Leandro Trossard ayaa noqon kara magacii ugu dambeeyay ee weyn ee taga Saudi Arabia, iyadoo Al-Ittihad ay Arsenal u soo bandhigtay €35 Milyan Oo Euro oo Dhiganta $39 Milyan oo Dollar.
Gunners ayaa ku xoojisay dookhyada ay ku leedahay aagagga ballaaran gaar ahaan garabka bidix markii ay gacanta ku dhigtay xiddiga heerka caalami ee dalka England Raheem Sterling oo amaah hal xilli ciyaareed ah kaga soo qaadatay kooxda ay ku xafiiltamaan Premier League ee Chelsea.
Waxa ay sidoo kale heystaan xiddiga reer Brazil Gabriel Martinelli si uu u buuxiyo booskas.
Trossard ayaa hadda lagu wada inuu lacag badan ugu dhaqaaqo Bariga Dhexe.
Al-Itixaad ay miiska saartay dalab rasmi ah ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaaga ee kooxaha ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga.
Arsenal ayaa hadda ka fikiraysa in ay qaadato lacag caddaan ah iyo in kale.
Al-Ittihad waxa ay hore buugaagtooda ugu haysteen weeraryahankii hore ee Real Madrid Karim Benzema, oo ay weheliyaan xiddigii hore ee Chelsea N’Golo Kante, xiddigii Liverpool ee Fabinho iyo kubadsameeyaha reer Algeria Houssem Aouar.