Harry Kane ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee Bundesliga xilli ciyaareedkan iyada oo Thomas Muller uu noqday ciyaaryahanka ugu safashada badan Bayern Munich kulankii ay guusha ka gaadheen Freiburg.
Kabtanka England oo 36 gool ka dhaliyay horyaalka Jarmalka xilli ciyaareedkii hore ayaa rigoore ka dhaliyay goolhaye Florian Muller daqiiqadii 38-aad ka dib markii Christian Gunter uu ku taabtay xerada ganaaxa dhexdeeda.
Muller, oo 34 jir ah, ayaa qeybtii labaad ee ciyaarta ku soo galay beddel,isagoo saftay kulankiisii 710aad ee tartan rasmi ah, isagoo dhaafay goolhayihii hore ee Jarmalka Sepp Maier oo 709 kulan saftay tartamada oo dhan.
Muller ayaana xustay munaasabadda isagoo dhaliyay goolkiisii 150-aad ee Bundesliga isagoo dhaliyay goolkii labaad ee ciyaarta daqiiqadii 78aad wuxuuna ka dhigay labo guul oo ay Bayern ka heshay labo kulan oo horyaalka ah oo uu hogaamiyo tababaraha cusub Vincent Kompany.
Waa ciyaaryahanka kaliya ee gool ka dhaliyay shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub mid kasta oo ka mid ah 16-kii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay, isagoo bilaabay u ciyaarista kooxdan xilli ciyaareedkii 2009-10.
Ciyaaryahanka bedelka ku soo galay Freiburg ee Lucas Holer ayaa rigoore qasaariyay waqtigii dhimashada markii uu ka dul qaaday birta.
Rigooradii Kane ayaa ka dhigtay Bayern inay maamusho ka hor inta uusan ku guuleysan 12-jeer Bundesliga Muller, kaasoo kulankiisii ugu horeysay u saftay kooxda 2008dii, isagoo xaqiijiyay dhibcaha Kompany kulankiisii ugu horeysay ee horyaalka ee gurigiisa.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Portugal Joao Palhinha ayaa sidoo kale kulankiisii ugu horeyay ee horyaalka u saftay Bayern isagoo bedel kusoo galay ka dib markii uu kaga soo biiray Fulham bishii July.
Muller waa halyeey , Waxa uu halkaas ku qaatay 17 xilli ciyaareed, waa rikoor, oo wuxuu 12 jeer ku guuleystay Bundesliga, waxaana uu kooxda kula guuleystay 32 koob. Intaa waxaa dheer, isagu weli waa 35 jir, sidaas darteed weli waxaa jiri kara guulo badan oo kooxdan ku gaari karo.
Ka dib fasaxa caalamiga ah, oo soconaya labada toddobaad ee soo socda, Kane iyo Muller ayaa ku soo laaban doona garoomada Bayern ee Bundesliga kulanka ay martida u noqon doonan Holstein Kiel 14ka Sebtember.