Xiddiga reer Brazil ayaa dhaliyay 3 gool waxana uu sameeyay laba caawin si uu Real Madrid heegan ugu galo xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga.
Raphinha ayaa ciyaarta ku xaday saddexley, iyadoo Barcelona ay 7 Gool ku garaacday Real Valladolid si ay 7 dhibcood hogaanka ugu qabato Real Madrid.
Raphinha oo kadib wacdaradiisii hadlay ayaa yidhi:-
“Aad ayaan u faraxsanahay sababtoo ah waa seddexleydii ugu horeysay ee xirfadeyda.
Aad ayaan ugu kalsoonahay, waxaana ku jirnaa xaalad aad u wanaagsan.
Natiijadu waxay wax badan ka sheegaysaa wakhtiga aan ku jirno.” Ayuu yidhi xiddiga.
Waxa ay aheyd seddexleydii ugu horeysay ee Raphinha uu ka dhaliyo tartamada oo dhan shanta horyaal ee ugu sareysa Yurub, waxayna aheyd markii labaad oo uu labo gool iyo wax ka badan u dhaliyay Barcelona.
Barcelona waxa ay noqon doontaa mid xamaasad leh ka dib qaab ciyaareedkaan cajiibka ah iyagoo hogaanka kusii raaxeysan doona ilaa fasaxa caalamiga ah.
Waxa ay ku soo laaban doonaan kulanka Girona ee 15ka Sebtember.