Lee Carsley ayaa ku dhawaaqi doona kooxdiisii ugu horeysay ee England Khamiista beri ah ka dib markii loo magacaabay tababaraha ku meel gaarka ah ee England horaantii bishaan.
Waxa ay noqon doontaa markii ugu horeysay oo ay kulmaan seddexda libaax tan iyo guuldaradii finalka Euro 2024 ee Spain iyo markii ugu horeysay muddo sideed sano ah oo tababare aan aheyn Gareth Southgate uu magacaabo koox.
50-jirkan ayaa sheegay inay muhiim tahay inuu “shababadadiisa” saaro kooxda ka hor ciyaaraha Nations League ee ay la ciyaarayaan Republic of Ireland iyo Finland bisha soo socota.
England ma gaari karto finalka Nations League maadaama ay ku jiraan Group B laakiin waxay rajeynayaan inay dib ugu soo laabtaan heerka koowaad.
Waxa ay sidoo kale bilaabayaan isreebreebka Koobka Adduunka sanadka soo socda.
Kaliya 45 maalmood ayaa laga joogaa markii England ay guuldaro kala kulantay Spain, waxaana la ciyaaray kaliya labo kulan oo Premier League ah, sidaa darteed Carsley ma heysto waqti badan oo kulan uu ku ciyaaro.
Si kastaba ha ahaatee, tababaraha England ayaa lagu arkayay garoomada Ingiriiska oo dhan isagoo daawanaya ciyaartoyda.
Waxaa la filan karaa in qayb weyn oo ka mid ah kooxda ay weli ka yihiin Jordan Pickford, John Stones, Declan Rice iyo Harry Kane oo dhamaantood taam ah oo diyaar ah.
Bukayo Saka ayaa sidoo kale ah mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan England waxana uu xilli ciyaareedka ku bilowday qaab ciyaareed fiican kooxda Arsenal isaga oo doonaya in uu ka caawiyo sidii ay ugu tartami lahaayeen horyaalka premier League.
Daafaca dambeedka midig ayaa laga yaabaa in lagu arko qaar ka mid ah wajiyo cusub oo uu ku dhaawacmay Reece James, xiddiga heerka caalami ee dalka England Kieran Trippier ayaa kaliya hal bedel ku soo galay xilli ciyaareedkan Newcastle, Luke Shaw oo dhaawacmay iyo daafac kale oo bidix Ben Chilwell oo ka maqan maqaamka Chelsea.
Jack Grealish iyo Marcus Rashford waxay ahaayeen labada magac ee laga saaray kooxda Southgate xagaagii.
Laacibka kooxda Manchester City Grealish Ma uusan awoodin in uu boos joogta ah ka helo dalkiisa laakiin ciyaartiisa ayaa kaabi karta sida uu Carsley u jecel yahay in kooxdiisa ay u ciyaaraan kubada cagta.
Aagga weerarka ayaa ah halka ugu qoto dheer iyo tayada ugu badan ee England, laakiin Jude Bellingham ayaa u muuqda inuu dhaawac ku seegayo, Grealish ayaa dib loogu yeeri karaa labadaan kulan ee soo socda.