26-sano jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa loo arkaa inuu ka dheer yahay shuruudaha maamulaha Juve ee Thiago Motta, kaasoo la wareegay kooxda Serie A horaantii xagaagan.
Chiesa, oo qeyb ka ahaa kooxdii Talyaaniga ee Euro 2024, ayaa lagu soo waramayaa in hal sano uu uga harsan yahay qandaraaskiisa.
Laguma darrin kooxdii Motta ee kulankii ugu horeeyay ee horyaalka ee Como, sidoo kale waxa uu maqnaa markii ay Juventus la ciyaartay Hellas Verona Isniintii xalay ahayd.
Agaasimaha ciyaaraha Liverpool Richard Hughes ayaa weli kalsooni ku qaba inay sameeyn karab saxiixa xagaaga.
Chiesa ayaa Juventus kaga soo biiray Fiorentina sanadkii 2020 markaas oo ay kula soo wareegtay lacag dhan 54 milyan oo gini.
131 jeer ayuu u ciyaaray kooxda, waxaana uu qeyb ka ahaa kooxdii Talyaaniga ee ku guuleysatay Euro 2020, laakiin qaab ciyaareedka iyo dhaawacyada ayaa xaddiday muuqaalkiisa xilli ciyaareedyadii u dambeeyay.