Neville, oo 49 jir ah, waxa uu u shaqeeyay sidii uu u noqon lahaa kabtan ka hor inta aanu ciyaaraha ka fadhiisanin 2011kii.
Gary Neville ayaa shaaca ka qaaday kooxdii uu u soo wareegi lahaa intii uu ku guda jiray xirfadiisa ciyaareed hadii uu ka tagi lahaa Man United.
Intii lagu guda jiray xirfadiisa quruxda badan ee 19-sano, Neville wuxuu ahaa nin hal koox ah, waligiisna u soo baxay naadigiisii carruurnimada, United.
Daaficii hore ee midig ayaa gashaday garanka casaanka Man United 602 jeer, isagoo ka soo muuqday Old Trafford ka hor inta uusan ugu dambeyntii noqon kabtanka Kooxda.
Waqtigiisii Manchester wuxuu ahaa mid dahab ah isagoo siddeed jeer kula guuleystay Premier League iyo laba jeer oo Champions League ah.
Intii lagu guda jiray dhacdadii ugu dambeysay ee Isbarbardhigga Sky Bet, Neville ayaa weydiiyay, Jamie Carragher kooxda uu u saxiixi lahaa haddii lagu qasbi lahaa inuu ka tago Man United.
Iyadoo halyeygii hore ee Arsenal Ian Wright uu ugu horeyn ka jawaabay, Neville ayaa markaas si lama filaan ah uga jawaabay su’aasha.
“Waxaan dhihi doonaa Arsenal,” ayuu yiri Neville. “Arsenal waxay ahayd kooxda aan guud ahaan ixtiraam weyn u hayay, ayuu yidhi Neville.
Neville ma ahayn ninka kaliya ee u ciyaaray hal naadi ee niyada ku haayay misna jeclaan lahaa inuu u guuri lahaa waqooyiga London.