Siddeed sano ka dib markii ay Spurs ku garaacday horyaalka, Vardy ayaa dib usoo laabtay si uu u dhaliyo goolkiisii sagaalaad ee Premier League kooxda ka dhisan waqooyiga London, taasoo ka caawisay Leicester inay dhibic ka qaadato kulankoodii furitaanka horyaalka xilli ciyaareedkan.
Iyadoo 20 daqiiqo ay ka harsanayd kulanka, muuqaallo ku saabsan ciyaarta ayaa sidoo kale soo shaac baxday iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Spurs Rodrigo Bentancur laga saaray ciyaarta ka dib markii madaxa iskugu dhaceen xiddiga Leicester Abdul Fatawu.
Ka dib waxaa lagu bedelay saxiixii xagaaga Archie Gray, iyadoo ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Leeds uu ku soo galay beddelka miyir-beelka.
Tottenham ayaa markaas sameysay shan bedel oo kale qeybtii labaad.
Laakiin taageerayaasha qaar ayaa su’aal galiyay sida kooxda Postecoglou loogu ogolaaday inay lix bedel ay sameeyaan.
Markii ay isha ku hayeen in ay dhaliyaan goolka guusha, Postecoglou waxa ay door bideen in ay soo galiyaan weeraryahanada Timo Werner oo u uu ku bedaly Brennan Johnson iyo Dejan Kulusevski oo uu ku bedalay James Maddison daqiiqadii 78aad, halka khadka dhexe, Gray iyo Lucas Bergvall ay sidoo kale ay soo galeen.
Postecoglou ayaa lagu qasbay inuu bedelo Pedro Porro oo ka ciyaara garabka midig wuxuuna ku bedalay Djed Spence dhamaadkii ciyaarta, iyadoo kii hore uu u muuqday inuu soo gaaray dhaawac jilicsan.
Richarlison sidoo kale wuxuu bedalay Son Heung-min dhowr daqiiqo ka hor dhamaadka ciyaarta.
Horyaalka Premier League wuxuu u ogolaanayaa kooxaha inay sameeyaan ugu badnaan shan bedel oo taatiko ah seddex jeer inta lagu guda jiro ciyaarta, sharcigan markii ugu horeysay ee la soo bandhigay waxay ahayd bilowgii xilli ciyaareedka 2022-23.
2021-kii, madaxda sare ayaa isku raacay in ay tijaabiyaan Guddiga Xiriirka Caalamiga ah ee Kubadda Cagta (IFAB) waxay soo jeediyeen sharciyo ku saabsan beddelka miyir-qabka, iyada oo la eegayo in lagu daro tallaabooyin dheeri ah si looga ilaaliyo ciyaartoyda inay soo gaaraan dhaawacyada neerfaha ka dib dhaawacyada madaxa iyo sidoo kale in la hubiyo in kooxuhu sameyneenin wax waqti lumis ah.
Tani waxay ka dhigan tahay in kooxuhu ay awoodaan inay sameeyaan ugu badnaan laba bedel oo dheeri ah oo miyir-beelka ah inta lagu guda jiro ciyaarta, oo ka sarreeya shanta bedel ee loo ogol yahay, haddii ciyaaryahan uu dhaawac ka gaaro madaxa oo uu leeyahay calaamadaha miyir-beelka.
Qiimaynta caafimaad ka dib, haddii dhakhaatiirtu ay aaminsan yihiin in ciyaartoyga la bedelay ay muujinayaan calaamadaha miyir-beelka, ciyaaryahankaas looma ogolaan doono inuu ku soo laabto garoonka ciyaarta.
Haddii ay u arkaan inuu fiican yahay, ciyaartoygu wuu ku soo laaban karaa garoonka.