Waxaa loo arkayay in riyadiisii ka rumeeyay xilligaas, balse hadda wuxuu u muuqdaa mid albaabka kasii bixi kara.
15 bilood ka hor, Ilkay Gundogan ayaa kor u qaaday koobka Champions League ee Istanbul ka dib markii uu Manchester City ku hogaamiyay seddexleey aan hore loo arag.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jarmalka ayaa lagu doodi karaa inuu ahaa ciyaaryahanka ugu muhiimsan City , isagoo dhaliyay dhowr gool oo muhiim ah, si uu magaciisa ugu qoro buugaagta taariikhda kooxda weligiis.
Isagoo ka mid ahaa mashiinada guusha Pep Guardiola, Gundogan wuxuu ku kalsoona cagihiisa, masiirkiisana wuxuu ku lahaa gacantiisa.
Miyuu rabay inuu sii joogo City si uu awooddooda u sii wato, mise waxay ahayd waqtigii loolan cusub uu bilaabi laha?
Waxa uu doortay kan dambe oo ah inuu beeca xorta ah ugu biiro Barcelona.
Laakiin hadda, wax yar ka dib sannad ka dib, waxa uu raadinayaa koox kale oo cusub, isagoo waqtigiisa kooxda Catalan u muuqda inuu dhammaaday.
Taas oo keeneysa su’aasha ah: halkee ayey wax walba ka qaldan yihiin isaga oo jooga Barcelona?
Si fiican ula soco qormadan si aad wax walba u fahamto.
u guuritaanka Catalonia isaga iyo atariishadiisa , si kale aan kuugu dhigo xaaskiisa model Sara Arfaoui waxay ahayd riyadooda inay Barcelona caga dhigtan, laakiin hadda wax walba waxay u muuqdaan kuwo soo afjarmaaya.
Sida marar badan ka dhacday Barcelona sannadihii la soo dhaafay, lacagta ayaa u muuqata mid qayb weyn ka ah bixitaanka Gundogan.
Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, Gundogan waxa uu Barcelona ka qaataa lacag dhan 20 milyan oo euro sanadkii.
Kooxda Isbaanishka ayaa la dagaalantay arrimo lacageed dhowr xilli ciyaareed, waxaana lagu ganaaxay 434,000 oo ginni ka dib markii ay jabiyeen sharciga dhaqaale ee UEFA sanadkii hore.
Sidaa darteed, waxay isku arkaan xaalad ‘ quus’ ah oo ay u baahan yihiin inay lacag u ururiyaan si ay u diiwaan geliyaan ciyaartoyda, oo uu ku jiro ku guuleystaha Euro 2024 Dani Olmo, oo u saxiixay kooxda horaantii bishaan.
Ka takhalusida Gundogan ayaa lagu soo waramayaa inay ku soo dayn doonto €14 milyan oo ah miisaaniyadda kooxda ee cadaaladda, waxayna u oggolaan kartaa Barcelona inay dib u geliso boqolkiiba 70 kaydadkaas saxiixyo cusub.
Laakiin Gundogan miyaanu ka mid ahayn magacyada ugu horreeya ee kooxda?
Hagaag, xilli ciyaareedkii hore ma uusan dooneynin inuu baxo bilowga xagaaga, sida laga soo xigtay Relevo.
Hadda, arrimuhu way is beddeleen.
33 jirkaan ayaa Xavi u arkay inuu yahay mid ‘muhiim ah’ wuxuuna kasoo muuqday 36 kulan oo La Liga ah xilli ciyaareedkii 2023-24.
Mid ka mid ah labadii kulan ee uu seegay waxa ay ahayd ganaax.
Gundogan ayaa dhaliyay shan gool, waxaana uu diiwaan geliyay sagaal caawin horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii hore, isagoo cadeeyay inuu yahay hanti uu kooxda ku leeyahay.
Hase ahaatee Xavi ayaa baxay dhamaadkii ololahan waxaana tan iyo markaas bedelay Hansi Flick.
Tababarihii hore ee Germany ayaa doonaya in uu shaambada kooxdiisa dul dhigo, mana u arko in Gundogan uu yahay ciyaaryahan muhim ah.
U soo bandhigida xiddig kooxo kale ah wax ku cusub Barcelona maahan iyagoo isku dayay isla taatikada Frenkie de Jong 2022 markaas oo si weyn loola xiriirinayay Manchester United.
Dhamaadkii, De Jong waxa uu iska sii joogay Barcelona si uu ugu dagaalamo booskiisa, laakiin Gundogan ayaa wax u arki kara si ka duwan sidii hore.
Wuxuuna xiddiga fahmay in la doonayo in loo dhigo shirqoolkii De Jong oo kale.