57 jirkaan ayaa ka yaabsaday kubada cagta adduunka bishii Janaayo markii uu ku dhawaaqay inuu ka tagayo Reds islamarkaana uu ka nasanayo kubada cagta muddo dheer.
Kulankiisii ugu dambeeyay ee uu hogaamiyay kooxda Merseyside ayaa timid bishii May, markaasoo ay 2-0 kaga badiyeen Wolves, ka hor inta uusan Arne Slot la wareegin kooxda.
Jarmalku waxa uu ku raaxaysanayay xagaagiisii, isaga oo u safray dhacdooyin kala duwan oo u dhexeeyay finalkii Euro 2024 ilaa riwaayadii Taylor Swift, halka uu sidoo kale guri cusub ka dhisay Majorca.
Laakiin hadda waxa uu diyaar u yahay in uu dib ugu soo laabto kooxdiisii hore ee Borussia Dortmund kulan sagootin ah oo uu u samayn doono xiddigihiisii hore ee Lukasz Piszczek iyo Jakub Blaszczykowski.
Ciyaarta shahaadiga ah ayaa dhici doonta 7-da Sebtember waxaana lagu shaaciyay muuqaal qosol leh oo lasoo dhigay Instagram-ka Dortmund.
waxa ay ku bilaabaneysaa baaq u dhaxeeya labada ciyaaryahan ee hore ee Dortmund, kuwaas oo raadinaya tababare maamula labada dhinac kulanka.
Tababaraha Jarmalka waxaa loo arkaa geesi ku suntan taariikhda Dortmund.
Sikastaba Todobadii sano ee uu macalinka ahaa, Klopp wuxuu ku guuleystay labo horyaal oo Bundesliga ah oo isku xigta.