Napoli ayaa haatan soo gabagabeynaysa raacdadii ugu dambeeysay ee David Neres uu uga soo dhaqaaqayo Benfica kuna biiraya Stadio Maradona, laakiin garabka hore ee Ajax ayaa laga yaabaa inuu sugo ilaa ay kooxdiisu ay ciyaarto kulankeeda ugu horeeya ee xilli ciyaareedkan.
Wararka ka imaanaya Talyaaniga caawa oo jimco ah , waxay sheegayan in si rasmi ah kala wareegista ay dhacayso gabagabada Benfica kulankeedii ugu horreeya ee xilli ciyaareedka Primera Liga oo ay la ciyaarayso Casa Pia fiidnimadii Sabtida.
Ciyaaryahanka ayaa u safri doono Italy ka dib kulanka Benfica ee isbuucaan, waxaana la filayaa inuu tijaabada caafimaadka ku maro Napoli isniinta.
Wareejinta ayaa la filayaa in ay Napoli dib ugu soo celiso lacag dhan 28 milyan oo euro oo ay ku jiraan lacago gunno ah.
Neres laguma darin kooxda Benfica kulankooda soo socda ee horyaalka.
Napoli ayaa rajeyneysay inay iska iibiso Victor Osimhen ka hor inta aysan la soo wareegin Neres, kaasoo sidoo kale u ogolaanaya inay Romelu Lukaku ka soo qaataan Chelsea.
Si kastaba ha ahaatee, dhaqaaqa Lukaku ayaa aad ugu tiirsan bixitaanka Osimhen, sidaa darteed Naples ayaa go’aansatay inay horay u riixdo saxiixa xiddiga reer Brazil.