Aabaha ayaa loola cararay isbitaalka waxaana lagu soo waramayaa in xaaladiisa ay aad u liidato.
Aabaha dhalay xiddiga xulka qaranka Spain ee Euro 2024 Lamine Yamal ayaa loola cararay cisbitaal kadib markii lagu tooriyeeyay meel baabuurta la dhigto.
Mounir Nasraoui ayaa ku sugnaa magaalada Mataro ee dalka Spain halkaas oo la fahamsan yahay in lagu soo weeraray, waxaana loola cararay isbitaalka.
Sida laga soo xigtay La Vanguardia, dadka deegaanka ayaa ku andacoonaya in Nasraoui uu muran la galay qaar ka mid ah shaqsiyaadka isaga oo lugeynayay , iyadoo muranka uu sababay dagaal ka hor inta aan Nasraoui dhowr jeer tooreyda lagu garaacin.
Xaaladiisa caafimaad ayaa aad u liidata waxaana loo qaaday isbitaalka Can Ruti ee magaalada Badalona oo ku yaala meel aan ka fogeyn isbitaalka magaalada Badaloona oo lagu qaaday gaari ambalaas ah kadib markii uu tooreyda lala dhacay.
Wargeysyada Isbaanishka ee Relevo iyo Mundo Deportivo ayaa tan iyo markaas sheegay in Nasraoui uu weli ku jiro cisbitaalka uu ‘khatarta ka baxay’.
Booliska Spain ayaa xiray saddex qof oo lagu eedeeyay isku day dil, sida ay sheegtay El Mundo.