Heshiiska United ay la gashay Fernandes ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo mustaqbalkiisa kooxda ee Erik ten Hag.
Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis la gaartay Bruno Fernandes heshiis cusub oo waqti dheer ah, iyadoo ku dhawaaqis la filayo inuu yimaado ka hor dhamaadka bishaan.
Waxaa jiray warar la isla dhexmarayay oo ku saabsan mustaqbalka Fernandes isbuucyadii la soo dhaafay, iyadoo tiro ka mid ah kooxaha Saudi Pro League iyo qaar ka mid ah kooxaha waa weyn ee Yurub ay aaminsan yihiin inay si dhow isha ugu hayaan xaaladdiisa Old Trafford.
Si kastaba ha ahaatee, xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal ayaa sheegay dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore inuu sii joogi doono kooxda 20-ka jeer heysata horyaalka Ingariiska ilaa iyo inta la doonayo.
29-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisa Old Trafford wuxuu dhacayaa June 2026, laakiin , qandaraas cusub ayaa la isku raacay.
Fernandes ayaa saxiixi doono heshiis ilaa June 2027, oo ay la socoto fursad uu ku kordhin karo 12 bilood oo dheeri ah, waxaana uu haatan ka garab dhaqaaqi doonaa maalqabeenada ugu sareeya ee Man United oo ay ku jiraan Casemiro iyo Marcus Rashford.
Fernandes waxa uu ahaa mid ka mid ah saxiixyadii ugu wacnaa ee ay Man United samaysay wakhtiyadii dhawaa, isaga oo wax badan ku soo kordhiyay tan iyo markii uu ka yimid kooxda reer Portugal ee Sporting Lisbon bishii January 2020.
Weeraryahanka ayaa dhaliyay 79 gool iyo 66 caawin 233 kulan oo uu u saftay Red Devils, waxaana uu markale ku jiray qaab ciyaareed xoogan xilli ciyaareedkii hore, isagoo dhaliyay 15 gool, waxaana loo diiwaan geliyay 13 caawin 48 kulan oo uu saftay.
Xiddiga ayaa ku guuleystay EFL Cup iyo FA Cup tan iyo markii uu yimid Old Trafford, laakiin wuxuu rajeynayaa in kooxdiisa ay u tartanto koobabka Premier League iyo Champions League sanadaha soo socda.