Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay jab weyn kala kulantay baacsiga ay ku doonaysay weeraryahanka kooxda Napoli ee Victor Osimhen.
Blues ayaa si fir fircoon u gashay suuqa kala iibsiga xagaagan iyaga oo shaqaaleysiiyay Tosin Adarabioyo, Caleb Wiley, Omari Kellyman, Filip Jorgensen, Kiernan Dewsbury-Hall iyo Renato Veiga.
Waxa ay sidoo kale xoojiyeen doorkooda weerarka iyadoo lagu soo daray xiddiga xulka qaranka Spain ee 19 jirada Marc Guiu oo ka yimid Barcelona.
Chelsea ayaa doonaysa in ay keento weeraryahan dhisan si uu ula tartamo Nicolas Jackson.
Waxaa si aad ah loola xiriirinayay inay u dhaqaaqi karaan Napoli weerarkeeda Osimhen, kaasoo qandaraaskiisa lagu burburin karo 110 milyan oo ginni.
Madaxweynaha Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa horay u sheegay inuusan dooneynin inuu aqbalo wax ka hooseeya heshiiska Osimhen.
Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayaa la sheegay in kooxda reer Talyaani ay wadahadalo kula jirto Chelsea oo ku aadan qaab amaah ah taasoo keeni karta Romelu Lukaku inuu u dhaqaaqo dhanka kale.
Halka wakiilka Osimhen uu meesha ka saaray hadal heynta amaahda, xiddiga heerka caalami ee dalka Nigeria ayaa weli lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo Stamford Bridge.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Corriere dello Sport, Osimhen kuma faraxsana rajada ah inuu ku biiro kooxda Enzo Maresca, taasoo meesha ka saareysa rajada Chelsea ee soo xero gelinta 25 jirkaan weerarka ah.
Warbixinta ayaa soo jeedineysa in Napoli aysan helin wax dalabaad ah oo la taaban karo, taasoo keentay shaki ku aadan in Osimhen uu awoodi doono inuu dhameystiro ka tagista kooxda Serie A xagaagan.