Haddii aad kubad daawashadaada soo bilowday 1990-meeyadii, waxaad ogaan doontaa in Serie A-da Talyaanigu uu ahaa horyaalka ugu fiican adduunka, oo aanu ahayn horyaal dhawaan gal ah.
Waxaa joogay ciyaartoydii ugu fiicnayd, tababarayaashii ugu wacnaa, waxaana ka imaan jiray sheekooyinkii ugu xiisaha badna.
Wax walba waxay is bedeleen Kadib Fadeexadii Calciopoli ee gilgishay dalka Talyaaniga, Juventus ayaa dib u dhacday oo lagu qasbay inay iibiso xiddigo badan oo kooxdeeda ah, Football Italia ayaa joojisay baahinta TV-ga Channel 4, taasoo la micno ah in lala socon waayo wararkii ugu dambeeyay ee kubada cagta Talyaaniga.
Sikastaba Seri A ayaa dib ugu istaagtay cagaheeda.
Inter ayaa gaartay Final-ka Champions League xilli ciyaareedkii 2022-23, halkaasoo si dirqi ah looga adkaaday Manchester City ayaana ka qaaday, ceebna ma lahan midaas.
Horyaalka talyaaniga ayaa sidii berigii hore mar kale la ciirciiraya xiddigo badan, waxaynu eegeynaa kuwa ugu qiimaha badan suuqa maanta.
- Lautaro Martinez – Inter Milan – €110 Milyan.
- Victor Osimhen – Napoli – €100 Milyan.
- Rafael Leao – Ac Milan – €90 Milyan.
- Nicolo Barella – Inter Milan – €80 Milyan.
- Kvicha Kvaratskhelia – Napoli- €80 Milyan.
- Douglas Luiz – Juventus-€70 Milyan
- Alessandro Bastoni – Inter Milan – €70 Milyan.
- Dusan Vlahovic – Juventus – €65 Milyan.
- Marcus Thuram – Inter Milan – €65 Milyan
- Theo Hernandez – Ac Milan – €60 Milyan.