Napoli ayaa lagu soo waramayaa inay u furan tahay inay ku darto Victor Osimhen wadahadalada Chelsea ee Romelu Lukaku, iyadoo kooxda Serie A ay dooneyso inay u dhaqaaqdo xiddiga reer Belgium xagaagan.
Lukaku ayaa lagu wadaa in uu ku soo laabto tababarka kooxda Chelsea ee Cobham Training Center todobaadkan kadib markii uu labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay amaah ugu soo ciyaaray kooxaha Inter Milan iyo Roma.
31 jirkaan ayaa la tababaran doona xubno ka tirsan kooxda oo aan u safrin dalka Mareykanka si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub, waxaana ka mid ah daafaca Trevoh Chalobah, kaasoo iib ah xagaagan.
Chelsea ayaa raadineysa weeraryahan ay kula tartansiiso Nicolas Jackson, inkastoo ay Barcelona kala soo wareegeen da’yarka Marc Guiu, haddana waxaa la rumeysan yahay inay raadinayaan weeraryahan kale.
Lukaku ayaa wali labo sano uga harsan tahay qandaraaskiisa Stamford Bridge ka dib markii uu Blues ugu soo biiray 97.5 milyan oo ginni ah sanadkii 2021.
Chelsea ayaa la rumeysan yahay inay dooneyso inay iska iibiso Lukaku xagaagan, laakiin weli ma aysan helin koox diyaar u ah inay buuxiso qiimaha ay ku doonayaan oo ah 37 milyan oo ginni.
Mid ka mid ah dhibaatooyinka suurtagalka ah ayaa ah haddii Osimhen uu diyaar u yahay inuu u dhaqaaqo Stamford Bridge, maadaama uu horey heshiis shaqsi ah ula gaaray PSG, halkaasoo laga yaabo inuu ku bedelo Kylian Mbappe ka dib markii kabtanka France uu u dhaqaaqay Real Madrid.