War rasmi ah oo kasoo baxay Real Madrid ayaa lagu xaqiijiyay in ay noqdeen kooxdii ugu horeysay ee kubada cagta ah ee kor u dhaafta €1 bilyan dakhligooda.
Waana in ka badan 27% Xilli ciyaareedkii hore.
Warbixin aad u dheer ayee Real kaga hadashay guulihii ay gaartay iyo sababihii ka dambeeyay inuu dakhligooda intaas uu gaaro.
Kooxda reer Spain ayaa ku jirta xaalad hanti kii ugu sareeyay.
Guddiga maamulka ee Real Madrid markay kulmeen maanta , waxay dejiyeen xisaab sanad maaliyadeedka 2023-2024.
Dhanka kubada cagta, waxay ku guuleysatay horyaalnimada Champions League, waaan koodii Lixaad , laga soo bilaabo 2014-2024, iyo sidoo kale koobabka Spanish League iyo Super Cup.
Marka la eego kubbadda koleyga, waxay ku guuleysatay horyaallada League, Copa del Rey iyo Spanish Super Cup waxayna noqotay finalka Euroleague.
Waxaas oo dhan way u qalman inay helaan dakhligan sare.
Arrimahan oo dhami waxa ay noqdeen koror la taaban karo oo ku yimid dakhliga ka soo xarooda ganacsiyada garoonka, ku guuleysiga koobabka iyo xayeesimaha , inkastoo xagaagii hore uusan si fiican u shaqeynin garoonka maadamo dib u dhis lagu sameeyay, laakin xagaaga 2024/25 ayuu si buuxda u shaqayn doono dhammaan ganacsigiisa.
Ugu dambeyntii, dakhliga ka soo gala tartamada caalamiga ah ayaa kor u kacay sababtoo ah ku guuleysiga koobka Champions League iyo semifinal-kii sannadkii hore ayaa saaciday dhar cada.