19 jirkaan ayaa Santiago Bernabeu kaga soo biiray Fenerbahce xagaagii lasoo dhaafay, waxaana uu soo maray xilli ciyaareed adag 2023-24, isagoo la dhibtoonayay dhaawacyo, islamarkaana uu tartan adag kala kulmayay xiddigo waa weyn.
Guler ayaa markii danbe 12 kulan oo kooxda kowaad ah tartamada oo dhan u saftay, oo ay ku jiraan shan uu ku soo bilawday.
Runtii, Guler waxa uu dhaliyay lix gool 10 ka mid ah kulamada La Liga, isaga oo shan jeer shabaqa soo taabtay lixdii kulan ee ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay horyaalka La Liga, oo uu ku jiro laba gool oo uu dhaliyay kulankii ay barbaraha 4-4 la galeen Villarreal bishii May.
Da’yarka ayaa markaas door muhiim ah ka ciyaaray masraxa qaaradaha isaga oo Turkiga kula ciyaaray Euro 2024, isagoo dhaliyay mid ka mid ah goolashii tartanka ay ku garaaceen Georgia wareega group-yada ka hor inta uusan isku diiwaan gelin labo caawin wareegii bug-baxa iyadoo xulkq Turkiga ay u gudubtay wareega 8da.
Guler ayaa tan iyo markaas lagu daray kooxda Real Madrid ee isku diyaarinaysa xilli ciyaareedka cusub ee ay ku booqanayaan Maraykanka, iyadoo kulankooda ugu horreeya ee saaxiibtinimo xagaaga ay la ciyaarayaan AC Milan 1da August.
Weeraryahanka ayaa doonaya inuu wacdaro ka dhigo inta lagu jiro xilli-isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub, taasi oo uu ku doonayo inuu helo waqti joogto ah oo uu u ciyaaro kooxda difaacaneysa La Liga iyo Champions League ee Real Madrid.
Taasi waxay noqon kartaa mid adag, si kastaba ha ahaatee, Vinicius Junior, Rodrygo, Jude Bellingham iyo Brahim Diaz ayaa ka mid ah xiddigaha weerarka u ah Carlo Ancelotti oo ay wehliyaan kuwa cusub ee Kylian Mbappe iyo Endrick.
Guler ayaa sidaas darteed halis ugu jira in uu hoos ugu dhaco heerka sare ee kooxda Real Madrid.
tababaraha Leverkusen Alonso ayaa aad u xiiseynaya inuu helo adeega da’yarka aadka loo qiimeeyo xagaagan.
Real Madrid ayaa ku iibsatay adduun dhan 20 milyan oo euro si ay ula soo saxiixato Guler kaliya 12 bilood ka hor, iyadoo da’yarka uu qalinka ku duugay heshiis waqti dheer ah oo Bernabeu kusii heeynaya ilaa xagaaga 2029.