Inkastoo uu xiiso ka helay Juventus, Calafiori ayaa la fahamsan yahay inuu muhiimada siiyay inuu u dhaqaaqo Emirates Stadium, Arsenal ayaa heshiis 45 milyan euro ah la gaartay Bologna.
Laakin kooxaha Bologna iyo Basel oo Calafiori ka iibisay kooxda Talyaaniga sannadkii hore ayaa isku khilaafay qodob ka dhigaya kooxda Basel inay jeebka ku shubato 50% kharash kasta oo saxiixa xiddiga laga helo.
Isniintii, waxaa soo baxay warar sheegaya in Roma oo Calafiori uu matalay heerka dhalinyarada ka hor inta uusan ka tagin 2022kii , ay sidoo kale dooneyso lacag 8 milyan oo Yuuro ah, xaaladahaas oo dhan ayaa keentay inuu dib u dhaca heshiiska.
Gunners ayaa USA ka bilaabaysa safarkeeda isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Arteta ayaa wax looga waydiiyay daba galka Gunners ee 22 jirka Talyaaniga, wuxuu qirtay inaysan jirin wqx war oo cusub oo loo soo sheegay.
Markii la weydiiyay hadii ay jiraan warar cusub oo ku saabsan heshiiska, Isbaanishka ayaa ku jawaabay:
“Maya nasiib darro maaha laakiin sida iska cad waxaan ognahay inay jiraan boosas gaar ah oo aan dooneyno inaan horumarino oo aan siino muhiimada xagaaga.
Waxaan isku dayi doonaa sida ugu fiican laakiin waxa ugu weyn ayaa ah inaan diirada saarno jaceylka aan u qabno ciyaartoyda aan heysano oo aan ka dhigno kuwa wanagsan”. Ayuu yiri Arteta.
Hadalkan kasoo yeeray Arteta ayaa ka dhigan, in wax badan ay iska bedeleen saxiixa daafaca.