Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Al-Ittihad N’Golo Kante xagaagan.
33 jirkaan ayaa fure u ahaa xulkiisa France tartankii Euro 2024, isagoo xulkiisa ka caawiyay inay gaaraan semi-finalka tartanka, waxaana dhawaanahan la isla dhexmarayay mustaqbalkiisa.
West Ham United ayaa la rumeysan yahay inay si weyn u dooneyso ciyaaryahanka khadka dhexe, kaasoo horyaalka Premier League kula guuleystay Leicester City 2015-16 , ka hor inta uusan mar kale koobka ku qaadin Chelsea xilli ciyaareedkii 2016-17.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay SPORT, Barcelona ayaa sidoo kale ugaarsi ugu jirta saxiixiisa, iyadoo kooxda reer Catalan ay ka fiirsaneyso inay isku daydo inay keento Camp Nou inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga.
Warbixinta ayaa sheegeysa in kooxda La Liga ka dhisan ay ku fikireysay inay u dhaqaaqdo Kante labadii sano ee la soo dhaafay, waxaana magaciisa ay xuseen madaxda kooxda si ay u xalliyaan boos dhibaato badan ka heysata.
Barcelona ayaa la sheegayaa in ay dooneyso inay amaah kula wareegto, laakiin Al-Ittihad uma muuqato mid ogolaanayso.
Ololihii wacnaa ee Kante ee 2015-16 ee Leicester ayaa u horseeday inuu u dhaqaaqo Chelsea, waxaana uu kula guuleystay lix koob intii uu joogay Stamford Bridge, oo ay ku jiraan Premier League, FA Cup iyo Champions League.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa kaliya sagaal kulan uu saftay xilli ciyaareedkii 2022-23 sababo dhaawac, inkastoo uu beeca xorta ah uu ugu biiray Al-Itixaad.
Kante ayaa 44 kulan u saftay kooxdiisa Saudi Arabia isaga oo dhaliyay afar gool waxana uu diiwaan gashaday 6 caawin.