Weeraryahanka Arsenal Eddie Nketiah ayaa doonaya inuu ka tago kooxda ka dhisan Premier League si uu ugu biiro Marseille ka hor xilli ciyaareedka 2024/25 iyadoo ay socdaan wada hadalo u dhaxeeya labada kooxood.
Marseille ayaa dalab aan la shaacin u dirtay Arsenal oo ku aadan weeraryahanka xilli ay socdaan wadahadalo la doonayo in lagu heshiiyo qiimaha suuqa kala iibsiga.
Waxaa sidoo kale wadahadalo u socda ciyaaryahanka iyadoo kooxda reer France ay dooneyso inay heshiis shaqsi ah la gaarto xiddiga Arsenal.
25 jirkaan ayaa la rumeysan yahay inuu doonayo inuu dhameystiro u dhaqaaqista kooxda Ligue 1 ka hor xilli ciyaareedka cusub maadaama uu si buuxda ugu qancay mashruucooda ciyaaraha.
Kooxda Marseille ayaa isha ku haysa in ay koox xoogan isku keento xilli ciyaareedka 2024/25 iyaga oo isku dayaya in ay PSG ka saaraan booskooda.
Kooxda reer France ayaa hore u heshay adeega Mason Greenwood, Ismael Kone iyo Bamo Meite ilaa xagaagan waxana ay haatan isha ku hayaan in ay weerarka ku daraan Nketiah.
Nketiah waxa uu ku sugnaa Arsenal waayihiisa ciyaareed oo dhan.
25 jirkaan ayaa muujiyay inuu yahay ciyaaryahan wanaagsan uuna u qalmo inuu bilow u noqdo koox kale.
Weeraryahanka ayaa 37 kulan u saftay kooxda ka dhisan Waqooyiga London xilli ciyaareedkii hore, isagoo dhaliyay lix gool islamarkaana caawiyay seddex kale tartamada oo dhan.
Tani waxay ka dhigtay lambarkiisa Arsenal ilaa 168 kulan, iyadoo xiddiga reer England uu dhaliyay 38 gool iyo 7 caawin.