Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Man United Scott McTominay ayaa rajeynaya inuu sii joogo Man United xilli ciyaareedka soo socda iyo wixii ka dambeeya iyadoo kooxda Manchester ay raadineyso Lacag £30 milyan oo ay ku fasaxdo xiddiga heerka caalami ee dalka Scotland xagaagan.
27 jirkaan ayaa qandaraaskiisa Old Trafford dhacayaa 2025, suuqa kala iibsiga ee haatan ayaa noqon doona waqtiga ugu haboon ee la iibin karo khadka dhexe hadii uu ku guuldareysto inuu heshiis cusub u saxiixo Man United.
Red Devils ayaa suuqa ugu jirta ciyaaryahan khadka dhexe ah oo cusub, iyadoo kooxda Premier League ay heshiisyo kula jirto khadka dhexe ee PSG Manuel Ugarte iyo ciyaaryahanka xorta ah ee Adrien Rabiot.
Sida laga soo xigtay L’Equipe, United ayaa u baahan doonta inay bixiso 70 milyan oo euro si ay u hesho adeega xiddiga heerka caalami ee dalka Uruguay, halka Rabiot ay u badan tahay inuu dalbaday mushahar badan.
Man United ayaa rajaynaysa in ay Casemiro iska dirti ka hor ololaha cusub ee bilaabmi doona, si kastaba ha ahaatee, McTominay ayaa ah dookh kale oo lagu maalgalin karo saxiixyada kale.
Manchester United ayaa 27 jirkaan dul dhigtay 30 milyan oo ginni, waxaana la rumeysan yahay inay diiday dalab ka yimid Fulham toddobaadkan maadaama uu hoos ugu dhacay qiimeyntan.
Mudnaanta xiddiga heerka caalami ee dalka Scotland ayaa ah inuu sii joogo Old Trafford ka hor xilli ciyaareedka cusub, waxaana uu rajeynayaa inuu wax ku filan sameeyo inta lagu jiro ololaha 2024/25 si uu u helo qandaraas cusub.