Romelu Lukaku ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaar u yahay inuu qaado tillaabo lagama maarmaan ah si uu ugu qasbo inuu uga soo wareego Chelsea kuna biiro Napoli.
Tan iyo markii ay is khilaafeen Thomas Tuchel intii lagu jiray xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee ku laabtay Stamford Bridge, Lukaku ayaa amaah xiriir ah ku qaatay Italy.
Dib ula midoobida Inter Milan ayaa la fududeeyay xilli ciyaareedkii 2022-23 ka hor inta aan xilli ciyaareedkii hore uusan ku biirin Roma, isagoo dhaliyay wadar ahaan 35 gool.
Si kastaba ha ahaatee, iyadoo labo sano ay ka harsan tahay qandaraaska xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium, Chelsea ayaa dooneysa inay lacag kaash ah ku hesho 31 jirkaan sida ugu dhaqsiyaha badan.
Qiimo ahaan lacagta Lukakublagu helayo ayaa la sheegay inuu dhan yahay £35 milyan , laakin milkiilayaasha Todd Boehly iyo Clearlake Capital ayaa laga yaabaa inay diyaar u yihiin inay ka tanaasulaan qiimahaasi si uun ay ka fasaxi lahaayeen Lukaku.
Marka la eego rabitaankiisa ku aaddan inuu u dhaqaaqo Napoli, weeraryahanka ayaa diyaar u ah inuu dhimo mushaharka weyn oo laga dhigo € 6 Milyan.