Liverpool ayaa ka wal-walsan Xiisaha Real Madrid ee daafaca Trent Alexander-Arnold, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in kooxda La Liga ka dhisan ay u jeesan doonta adeega daafaca.
Waa xagaa aad muhiim ugu ah kooxda Merseyside ka dib markii uu ka tagay tababare Jurgen Klopp oo muddo dheer maamulayay.
Tababarihii hore ee Feyenoord Arne Slot ayaa la wareegay xilka tababarenimo, waxaana si habsami leh u socda diyaar garowga ololaha cusub.
Reds ayaan weli xoojin kooxdeeda, iyadoo Slot uu isha ku hayo inuu qiimeeyo ciyaartoyda hadda uu heeysto, laakin heshiis kordhinta Alexander-Arnold, Virgil van Dijk iyo Mohamed Salah ayaa ah mid muhiimad weyn leh.
Saddexduba waxay ku dhow yihiin inay galaan 12-ka bilood ee ugu dambeeya heshiisyadooda, waxayna u baahan doonaan in mustaqbalkooda la xalliyo toddobaadyada soo socda.
Liverpool ayaa isku diyaarinaysa xilli ciyaareedka cusub iyada oo Alexander-Arnold uu ku jiro safkeeda, inkasta oo ay xiiso u qabto Real Madrid.
Daafaca ayaa haatan ku jira nasiino ka dib guuldaradii England ee finalka Euro 2024 ka soo gaartay Spain, waxana ay u badantahay in uu ku soo laabto tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub horaanta August.
Slot ayaa la filayo inuu wada hadallo la yeesho 25 jirkan oo ku saabsan booskiisa kooxda.
Warar is khilaafaya ayaa sheegaya in Real Madrid ay dooneyso inay lasoo saxiixato daafaca.
kooxda ku guuleysatay Champions League ayaa awoodeeda iskugu geeynesa inay hesho adeega ciyaaryahanka.