Joao Felix ayaa lagu soo waramayaa inuu u qabtay waqti kama dambeys ah oo go’aan looga gaari doono mustaqbalkiisa Atletico Madrid iyadoo ay xiiseynayaan kooxo dhowr ah oo ay ku jirto Aston Villa.
24 jirkaan ayaa dhaliyay 10 gool, waxaana uu caawiyay lix gool 44 kulan oo amaah ah oo uu ku qaatay Barcelona xilli ciyaareedkii hore, laakin weeraryahanka ayaa tan iyo markii uu ka tagay kooxda Blaugrana , waxaana uu ku laabtay kooxdiisa ee Atletico Madrid.
Barca ayaan aad u xiiseyneynin inay heshiis joogto ah la gaarto Felix xagaagan, taasoo albaabka u furaysa inay la wareegan kooxda Aston Villa.
Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Felix uu doonayo inuu ka tago Atletico, shan sano kadib markii uu 113 milyan oo ginni uga soo wareegay Benfica, waxaana uu doonayaa inuu ogaado halka uu ka ciyaari doono ka hor dhamaadka bishaan.
Qiimaha Felix ayaan hadda la garanayn, laakiin Aston Villa ayaa laga yaabaa inay isku daydo inay isticmaasho lacagaha laga helo iibinta Moussa Diaby ee Al Ittihad si ay Premier league u geeyso xiddiga reer Portugal.