Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brazil ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka ciyaaro Kooxda Julen Lopetegui xilli ciyaareedkiisa ugu horeeya.
Lucas Paqueta ayaa qarka u saaran inuu diyaar u noqdo inuu u ciyaaro West Ham ku dhawaad dhammaan xilli ciyaareedka soo socda ee Premier League in kasta oo lagu soo oogay eedeymo culus.
Kubad sameeyaha reer Brazil ayaa wajahaya ganaax gaari kara sanado badan ka dib markii FA-gu ay ku soo oogeen afar xaaladood oo kala duwan.
Waxaa lagu eedeeyay inuu si ula kac ah u qaatay jaale afar kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkii hore taas oo ah mid ka mid ah kiisaska ugu daran ee uu ciyaaryahan England ka ciyaara sameeya.
26 jirkaan ayaa loo ogol yahay inuu sii ciyaaro ilaa inta laga dhammeynayo nidaamka anshaxa, waxaana ilo xog ogaal ah ay sheegeen in natiijada dib loo dhigi karo ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka, ama laga yaabo inuu dhaafo, taasoo ka dhigeysa inuu ka hoos ciyaarayo Julen Lopetegui.
Eedeymahan ayaa daba socday muddo siddeed bilood ah oo ay mas’uuliyiintu baaris ku sameeyeen.
Bishii Sebtembar ee la soo dhaafay ayaa la sheegay in Paqueta heshiis uu la galay koox khamaarka isticmaala, waxaana looga shakisan yahay khadka dhexe ee Brazil ee uu si ula kac ah uu jaale qaatay kulankii Aston Villa ee bishii March 2023.
Paqueta ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, laakin iyada oo baaritaanku uu weli si fiican u socdo.
xeerarka ganaaxa FA-ga ay sheegayaan in mamnuucid u dhaxaysa lix bilood iyo gabi ahaanba ay tahay in lagu soo rogo ciyaaryahanka, taas oo soo afjaraysa fursadaha Brazilian-ka ee ku biirista Manchester City ka dib markii ay ku xamanayeen inay xiiseynayaan isaga ka hor eedeymaha.