Xiddiga Kooxda Chelsea Cole Palmer ayaa lagu soo waramayaa inuu bilaabay isku dayo uu ku doonayo inuu ku qanciyo weeraryahanka Aston Villa Ollie Watkins inuu ku biiro Blues xagaagan.
Labada nin ayaa inta badan xagaaga ku wada qaatay waajibaadka caalamiga ah ee Euro 2024 ee Germany, halkaas oo ay England ku raadineysay koobkoodii ugu horeeyay muddo 60 sano ah.
Palmer iyo Watkins labaduba waxay ku guuldareysteen inay hal kulan ku soo bilowdaan tartanka laakiin weli waxay ku guuleysteen inay saameyn weyn ku yeeshaan nidaamka kursiga keydka.
Xiddiga Villa Watkins ayaa goolka guusha u dhaliyay daqiiqadii ugu dambeysay seddexda libaax ciyaartii semi-finalka ay kaga badiyeen Netherlands garoonka Signal Iduna Park.
Ciyaaryahanka kooxda Chelsea Palmer ayaa ka soo kacay kursiga keydka dhamaadkii ciyaarta finalka ay la ciyaareen Spain, waxaana uu dhaliyay goolkii barbaraha 20kii daqiiqo ee ugu danbeeyay.
Palmer waxaa uu u sheegay saaxiibkiisa England inuu soo afjaro afar sano oo xiriir ah oo uu la joogay Aston Villa xagaagan.
Warbixinta ayaa sheegeysa in ciyaaryahanka Chelsea Palmer uu ku qanciyay Watkins inuu ku biiro Blues.
Waxaa la fahamsan yahay in labada ciyaaryahan ay isku soo dhawaadeen intii ay ku guda jireen waajibaadka caalamiga ah ee Germany xagaagan, iyadoo Palmer uu ka caawiyay Watkins goolkii uu ka dhaliyay Netherlands.
Palmer ayaa aaminsan in isaga iyo gooldhaliyaha Villa ay kooxda Enzo Maresca gaarsiin karaan heerka xiga ka dib bixitaankii Mauricio Pochettino.
Si la mid ah kuwa Galbeedka London, waxaa sidoo kale la rumeysan yahay in Arsenal ay dooneyso inay u dhaqaaqdo Watkins, kaasoo 19 gool ka dhaliyay Premier League xilli ciyaareedkii hore.
Chelsea ayaa la sheegay inay diyaar u tahay inay u soo bandhigto Conor Gallagher Villa si ay ugu soo jiidato Watkins.
Mustaqbalka ciyaaryahanka khadka dhexe ee England ayaa shaki ku jiraa iyadoo uu furan yahay suuqa kala iibsiga xagaaga, iyadoo Tottenham Hotspur sidoo kale la og yahay inay xiisaynayso.
Baahida Villa ee Gallagher waa in su’aal la iska waydiiyaa, iyadoo la tixgelinayo in kooxda Unai Emery la sheegay inay ku dhowdahay saxiixa khadka dhexe ee Everton Amadou Onana.