Xidiga Barcelona Lamine Yamal ayaa dhaxlay maaliyada No.19 ee Camp Nou ka hor xilli ciyaareedka cusub, sida ay xaqiijisay kooxda reer Spain.
Xiddiga reer Spain oo kaliya 17 jirsaday maalin ka hor inta uusan xulkiisa ka caawin in ay kor u qaadaan koobka EURO 2024 oo ay England ka qaadeen Axadii, ayaa durba Barcelona u saftay 50 kulan tan iyo markii uu saftay kulankiisii ugu horeeyay, waana da’yarka ugu ifaya ee haatan ku jira kubada cagta adduunka.
Hadda, waxa uu qaatay lambarka 19-aad, oo uu hore u haystay Vitor Roque, balse waxa uu noqday mid la mid ah kor u kaca xiddignimada Lionel Messi, iyadoo xiddiga reer Argentina uu lambarkaas xidhnaa saddex xilli ciyaareed oo uu ku sugnaa Camp Nou intii u dhaxaysay 2005 ilaa 2008.