Sida warbixinteenii hore ku sheegnay Ciyaaryahanka kooxda Chelsea Enzo Fernandez ayaa kasoo muuqday muuqaal xiddigaha Argentina ugu dabaal degayeen ku guuleysiga Copa America kuwaasi oo ku luqeynaayay hees loogu gafay ciyaaryahanada madow ee u dheela Faransiiska.
Dad badan oo kasoo jeeda France ayaa ka xumaaday dhaqankan.
Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Faransiiska ayaa ka mid ahaa dadkii ka cadhooday muuqaalka.
Si kastaba kooxda uu ciyaaryahan Enzo Fernandez ka tirsan yahay ee chelsea ayaa ka hadashay falkii uu sameeyay khadkooda dhexe, waxayna warsaxaafadeed soo saartay ku tiri:
“Naadiga Kubadda Cagta Chelsea ayaa u aragta dhammaan noocyada dhaqanka takoorka mid aan la aqbali karin.
Waanu qirsanahay oo aanu qadarinay raali-gelinta guud ee ciyaartoygayaga waxaana tan u isticmaali doona fursad aanu wax ku barano.
Naadigu waxa uu hindisay habraac anshaxeed oo gudaha ah.”