Kooxda Isbaanishka ayaa lagu xamanayaa inay xiiseyneyso daafaca dambeedka midig ee boosaska badan leh, laakiin heshiiska ayaa u muuqda mid aan macquul aheyn.
Real Madrid ayaa xiriir la sameysay Trent Alexander-Arnold, ciyaaryahanka qudhiisa ayaana la sheegaya inuu xiiseynayo inuu u dhaqaaqo Madrid.
Daafaca dambeedka midig ee Ingiriiska ayaa qandaraas dhacaya 2025 ku jooga Liverpool.
Trent Alexander-Arnold ayaa lagu soo waramayaa inuu xiiseynayo inuu heshiis u saxiixo Real Madrid xagaagan.
Iyadoo wadahadaladu ay kor u kacayaan xilli daafaca midig uu ku jiro sanadka ugu dambeeya ee qandaraaskiisa Liverpool.
Tababaraha cusub ee Reds Arne Slot ayaa halis ugu jira inuu la kulmo dharbaaxo xanuun badan bilowgiisa waayaha Liverpool.
Alexander Arnold iyo Liverpool ayaan wali heshiis ka gaadhin inuu ciyaaryahanka qalinka ku duugo qandaraas cusub.
Kooxda ayaa laga yaabaa in ay si bilaash ah ku waayi karto 25 jirka sanadka soo socda hadii ayna lacag kaash ah ku helin todobaadyada soo socda.
Iyaga oo helay fursad, Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo kula jirtay Alexander Arnold bishii ugu dambeysay.
Sida laga soo xigtay Bild, xiddiga Liverpool ayaa ‘xiisaynaya’ u dhaqaaqista Bernabeu.
Mid ka mid ah saaxiibada ugu dhow Alexander Arnold ee xulka England, Jude Bellingham, ayaa kasbaday noloshiisa Los Blancos tan iyo xagaagii hore.
Daafaca dambeedka midig, kaasoo sidoo kale ka ciyaari kara khadka dhexe, ayaa saftay in ka badan 300 oo kulan tan iyo markii uu soo galay kooxda koowaad ee Reds, isagoo dhaliyay 19 gool.
Xiisaha Real Madrid ee Alexander Arnold inuu noqdo ‘mid la taaban karo’ ayaa cadaadis dheeri ah ku saaraysa agaasimaha ciyaaraha Liverpool Richard Hughes inuu burburiyo heshiis shuruudo cusub oo daafaca ah.
Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk ayaa sidoo kale noqon doona kuwo xor ah xagaaga 2025.
Reds ayaan wali wax saxiixyo waaweyn ah samayn xagaagan iyadoo Slot uu madaxa gacmaha u saaran yahay isla markaana fahmi la, halka uu wax ka bilaabo.
Sikastaba Taageerayaasha Liverpool, shaki la’aan, way ka xumaan doonaan inay soo laabato sheekooyinkii hore ee suuqa kala iibsiga, kaasi oo ah dayacida xiddigaheeda wax soo saarka leh.
Sida la ogyahay Liverpool Luis Suarez ayee siisay Barcelona, Fernando Torres ayee u ogolaatay inuu ku biiro Chelsea.
Hadana waxay su’aasha tahay miyee iska diri doonaan Arnold.