Arsenal ayaa hogaanka u haysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga ku guulaystay Euro 2024 ee Mikel Merino xagaagan iyada oo ka horaysa Aston Villa, Newcastle United iyo Barcelona.
Mikel Arteta ayaa si weyn loo hadal hayaa inuu si firfircoon u raadinayo khadka dhexe ee tayada sare leh si uu u xoojiyo kooxdiisa ololaha soo socda 2024-25.
Merino ayaa xilli ciyaareedkii hore ku riyaaqay qaab ciyaareed wanaagsan oo uu la qaatay Real Sociedad, isagoo saftay 45 kulan oo tartamada oo dhan ah, wuxuuna dhaliyay sideed gool, islamarkaana caawiyay shan gool.
Xiddiga reer Spain waxa uu ka mid yahay khad dhexyaasha aad ugu fiican dhalinta goolka, isaga oo cel-celis ahaan 2.89 taabasho ka sameeyay xerada ganaaxa kooxaha ka soo horjeeda, taas oo ka dhigaysa in boqolkiiba 93 uu ku jiro ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu dhaliska fiican shanta horyaal ee ugu waa wayn Yurub.
Iyadoo wax ka yar hal sano ay ka harsan tahay qandaraaskiisa haatan, kooxda La Liga ayaa u soo bandhigtay heshiish cusub oo uu ku sii joogayo Real Sociedad horaantii xagaagan, laakiin weli ma uusan go’aamin mustaqbalkiisa.
Iyadoo dhowr kooxood ay doonayan xagaagan Merino, Mundo Deportivo ayaa ku warameysa in Arsenal laga yaabo inay ku guuleysato saxiixa xiddiga reer Spain.
Wargayska ayaa intaa ku daraya in Gunners ay durba wadahadalo la furtay Real Sociedad oo ku aadan suurtagalnimada ay kula wareegi lahayd 28 jirkaan khadka dhexe.
Waxaa la fahamsan yahay in Hansi Flick la filayo inuu kordhiyo dadaalka Barca si ay ula soo saxiixato xiddiga heerka caalami ee dalka Spain, laakiin Catalans ayay u badan tahay inay ku dhibtoonayaan inay buuxiyaan lacagta lagu burburin karo qandaraaska ciyaaryahanka.
Merino ayaa la sheegay in qandaraaskiisa lagu burburin karo 56 milyan oo ginni, laakiin Real Sociedad ayaa la rumeysan yahay inay diyaar u tahay inay dhageysato dalabyada ku habboon maadaama uu ciyaaryahanku haatan ku jiro sannadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa kooxda.
Marka Merino uu ku laabto San Sebastian ka dib markii uu u dabaaldegay guushii La Roja ee Euro 2024, wadahadalo ku saabsan mustaqbalkiisa waxay u badan tahay inay dib u bilaabmaan.