Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay diiday dalab £20 milyan oo ginni ah oo uga yimid Marseille oo ku aadan weeraryahankeeda Eddie Nketiah.
25 jirkaan ayaa gooldhaliye 3aad u ah Mikel Arteta isagoo ka dambeeya Gabriel Jesus iyo Kai Havertz.
Bixitaankiisa xagaaga ayaa loo arkaa mid lama huraan ah maadaama uusan dooq kowaad ka ahayn kooxda.
Nketiah ayaa caddeeyey inuu yahay dookh faa’iido u leh Gunners intii uu Jesus ku maqnaa dhaawac, waxaana uu 37 kulan u saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore, oo uu ku jiro 27 kulan oo Premier League ah.
Si kastaba ha ahaatee, xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa kaliya dhaliyay lix gool, waxaana uu ku soo bilowday kaliya 10 kulan oo Premier League ah, halka uu bedel aan la isticmaalin uu ahaa lixdii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka heerka koowaad.
Heshiiska Nketiah ee Emirates ayaa wali socda seddex xilli oo kale, isagoo qalinka ku duugay kordhintiisii ugu dambeysay 2022.
Marseille ay isku dayeysa inay soo gabagabeyso heshiis ay kula soo saxiixaneyso Mason Greenwood oo ay kala soo wareegayso Manchester United.
kooxda reer France oo haatan maamula Macalinkii hore ee Brighton & Hove Albion Roberto De Zerbi ayaa sidoo kale lagu xamanayaa inay isha ku heyso xaalada Nketiah.
Marseille waxay ku doomeysa Nketiah £20 milyan laakin Gunners ayaa diyaar u inay Nketiah ku fasaxdo qiimaha saxda ah ee 40 milyan oo ginni.
Hadii qiimahaas ay ku iibiyan 25 jirkaan, waxay ka dhigi doonta iibkoodii ugu qaalisanaa abid.
Alex Oxlade-Chamberlain ayee Liverpool ugu iibiyeen 35 milyan oo gini xagaagii 2017kii,
wali waa lacagtii ugu badnayd ee ay Arsenal ciyaartoy ku iibiso.