Blues iyo Hammers kuma cusba bartilmaameedka ciyaartoyda Brazil.
Waa kuwa ugu badan ee beegsada Ciyaaryahanada kasoo jeeda Brazil.
Dhanka Chelsea, waxay hore ugu guuleysten Andrey Santos, Angelo Gabriel iyo Deivid Washington iyadoo Estevao Willian uu imaanayo 2025ka.
Dhanka kale, West Ham ayaa ku guuleysatay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Palmeiras Luis Guilherme horaantii suuqa kala iibsiga xagaaga, xiddiga garabka ka ciyaara ayaa la filayaa inuu isla markiiba u tartamo doorka kooxda koowaad.
Si kastaba ha ahaatee, waxay u muuqataa in midkoodna uusan diyaar u ahayn inuu soo afjaro dagaalkooda ku aadan xiddigaha Koonfurta Ameerika.
Labada kooxood ee Premier League ayaa ka mid ah kooxo dhowr ah oo la dhacsan qaab ciyaareedka Wesley Gassova.
Gassova ayaa khibrad aad u badan u leh doorka weerarka, isagoo u saftay 72 kulan kooxda reer Brazil.
Wadarta todoba gool iyo shan caawin ayaa u diiwaangashan muddadaas.
Gassova heshiiskiisa kooxda Corinthians wuxuu dhacaya December 2027, laakiin waxaa la filayaa in la burburin karo heshiiskiisa.
Warbixintu waxay soo jeedinaysaa in 20 milyan oo Yuuro lagu qiimeeyay adeeggiisa, inkasta oo aanay caddayn in Chelsea ama West Ham ay soo jeediyeen dalabyo buuxinaya shuruudahaas.
Roma, Nice iyo Porto ayaa dhamaantood la sheegay isha ku haayan weeraryahanka.
Chelsea ayaa dhawaan isku dayday kuna guuldareysatay inay lasoo saxiixato da’yar u dhashay Brazil oonla yiraahdo Pedro Lima uuna ka doortay kooxda Wolverhampton Wanderers ee Galbeedka London.