Maalmihii uu xirnaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, waxaa muuqatay in ciyaaryahanka reer Portugal uu aad u xiiseynayay inuu ku biiro Bayern, isagoo tagay oo lagu arkay xarumaha tababarka kooxda Jarmalka.
Fulham ayaa haatan ogolaatay inay iska fasaxdo ciyaaryahankan, waxayna labada kooxood ku heshiiyeen iibkiisa.
28-sano jirkaan ayaa lagu qasbay inuu ku laabto London oo uu ololihii labaad la qaato Fulham, isagoo 33 kulan oo Premier League ah u saftay.
Si kastaba ha ahaatee, Palhinha ma qarsan rabitaankiisa ku aadan inuu xiriir la yeesho Bayern, isagoo si cad u qirtay inuu rajeynayo in kooxaha ay dib u furaan wadahadalada.
Si kastaba Bayern ayaa haatan ku guuleysatay inay heshiis la gaarto dhigeeda Fulham.
Wararka ayaa sheegaya in labada kooxood ay ku hashiiyeen lacag dhan €46 Milyan oo ay miiska saarayan kooxda Bavarianka.
Palhinha ayaa la sheegay in uu qalinka ku duugi doono heshiis ilaa dhamaadka 2027-28.
Portugal weli waxay u tartamaysa Euro 2024, heshiis kala wareejin ah ma dhacayso ilaa Palhinha uu dhammeeysto matalaadda dalkiisa.
Bixitaanka la sugayo ee Palhinha ayaa la macno ah in Fulham ay lumisay Tosin Adarabioyo, awoodooda khadka dhexe iyo Aleksandar Mitrovic.
Faa’iido weyn ayee ka heli doonaan 20 milyan oo ginni oo ay Fulham siisay Sporting Lisbon laba sano ka hor, sidaas oo ay tahay Marco Silva ayaa shaki la’aan doorbidi lahaa inuu sii haysto adeegga ay isku dalka yihiin.
Bayern ayaa laga yaabaa inay fasaxdo tiro ciyaaryahano ah , waxayna imika doonaysa inay Matthijs de Ligt ka iibiso Manchester United.