Manchester City ayaa qarka u saaran inay la soo wareegto xiddiga reer Brazil ee Savio kaasoo gacanta u gelinaysa heshiis waqti dheer ah.
20-sano jirkaan ayaa qeyb ka ahaa kooxda City Football Group (CFG) dhowr sano, isagoo ku biiray afar sano oo uu joogay kooxda reer Brazil ee Atletico Mineiro. Waxa uu u wareegay CFG 2022 ka dibna waxaa loo qoondeeyay kooxda Ligue 1 ee Troyes.
Inkastoo uusan hal kulan u soo muuqan kooxda Faransiiska, Savio wuxuu helay dhadhankiisii ugu horreeyay ee kubbadda cagta Yurub intii lagu jiray amaah uu kula joogay kooxda Eredivisie-ka ee PSV Eindhoven.
Brazilian-ka ayaa kasoo muuqday sideed kulan oo kooxda koowaad ee reer Holland ka hor inta aan amaah labaad oo xiriir ah loogu dirin La Liga xilli ciyaareedkii hore isagoo ku biiray Girona, halkaasoo uu u saftay 41 kulan, isagoo ka qeyb qaatay 11 gool iyo 10 caawin.
Qaab ciyaareedkiisa ayaa keenay in Girona ay ku dhameysato kaalinta seddexaad ee horyaalka Spain, taasoo u ogolaatay inay u soo baxdo Champions League xilli ciyaareedka soo socda.
Savio ayaa haatan diyaar u ah in uu noqdo saxiixii ugu horeeyay ee kooxda Pep Guardiola ee xagaaga.
Wararka ayaa intaa ku daraya in kooxdu ay hore ugu wargelisay ciyaaryahanka inuu door muhiim ah ka ciyaari doono kooxda koowaad ee reer Spain, waxaana la filayaa in ciyaaryahanka garabka ka ciyaara lagu wareejiyo qandaraas shan sano ah.
20 jirkan ayaa haatan ku maqan waajibaadka xulkiisa Brazil laakiin hadii heshiiska la sheegay la dhamaystiro Savio waxa uu City la sii joogi doonaa ilaa xagaaga 2029-ka
Khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dhamaan waraaqaha amaahda ee Girona hore loo dhameeyay, waxaana la fahamsan yahay inuu imaan doono Etihad Stadium marka la soo gabagabeeyo Copa America.
Savio ayaa la filayaa inuu ka ciyaaro garabka midig ee City, kaasoo laga yaabo inuu noqdo bedelka mustaqbalka fog ee Riyad Mahrez, kaasoo u dhaqaaqay Al-Ahli ee Saudi Pro League xagaagii hore.