Xidhiidhka kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee FA ayaa doonaya in noloshiisa oo dhan laga mamnuuco xiddig dhawaan lagu helay eedaymo la xidhiidha inuu khamaar ku galay waxa ka dhacaya kulamada uu ciyaarayey, isla markaana uu kaga dhabeeyey dhacdooyinkaas.
Xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil ee Lucas Paqueta oo dhowaan horyaalka Premier League uu ka joojiyey ciyaaraha, ayaa waxa lagu eedeeyey in afar ciyaarood oo kala duwan oo horyaalka Premier League ah uu qaatay kaadhadh huruud ah oo badheedh ah, isaga oo arrintaas sharad kusoo galay ka hor intii aanay ciyaartu bilaabmin.
26 jirkan u dheela West Ham ayaa hore u sheegay inuu Premier League kala shaqeeyey wax kasta oo ku saabsan xaqiijinta arrintan, waxaanu beeniyey inuu sameeyey khamaarka lagu eedaynayo.
Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa waxa uu doonayaa in laacibkan laga xayiro ciyaaraha inta ka hadhsan noloshiisa.
Falka uu laacibkani ku eedaysan yahay ayaa waxa uu sharadkooda ku helayey lacago gaadhaya illaa £100,000 Gini.
Hore waxa xidhiidhka FA uu ganaaxyo ugu riday Sandro Tonali iyo Ivan Toney, ayaa waxa hadda ciqaab taas ka adag lagu ridi doonaa Lucas Paqueta.
Ciyaaraha Lucas Paqueta sida badheedhka ah kaadhka u qaatay
- West Ham 0-2 Leicester (12 November 2022) – Paqueta waxa uu kaadhka ku qaatay qalad uu ku galay Boubakary Soumane, waxaana kaadhka siiyey garsoore Jarred Gillett.
- West Ham 1-1 Aston Villa (12 March 2023) – Paqueta waxa uu kaadh ku qaatay John McGinn waxyar kaddib markii uu qalad kale ku galay Douglas Luiz.
- West Ham 3-1 Leeds (21 May 2023) – Paqueta waxa uu kaadh ku qaatay Crysencio Summerville.
- Bournemouth 1-1 West Ham (12 August 2023) – Paqueta waxa uu iska haystay kubadda si uu waqtiga u lumiyo, taasina waxay keentay buuq sababay in la siiyo kaadh.