Goolhayaha Liverpool iyo xulka Brazil ee Alisson ayaa waxa lacago badan dul-dhigtay koox Sucuudi ah oo ka dhigatay bartilmaameedkeeda koowaad ee xagaagan. (Teamtalk)
Aston Villa waxa ay isku xoojinaysaa khadka dhexe ee reer England ee Ross Barkley oo ay da’diisu tahay 30 jir, waxaanay dalab £5 milyan oo Gini ah u gudbiyeen Luton Town oo heerka labaad u dhacday oo ay ka doonayaan laacibkan. (TalkSport)
Arsenal waxa ay suuqa dhigtay weeraryahanka reer England ee Eddie Nketiah oo 25 jir ah, waxayse ku xidhay kooxaha doonaya ee Fulham, Crystal Palace, Wolves iyo Everton inay bixiyaan £30 milyan oo Gini. (Sun)
Manchester United iyo Liverpool waxa ay isku haystaan difaaca dhexe ee Sporting Lisbon iyo xulka Portugal ee Goncalo Inacio oo 22 jir ah. (Fabrizio Romano)
Real Madrid waxa ay go’aansatay inay si rasmi ah ula saxeexato weeraryahanka reer Spain ee Joselu oo 34 jir ah oo xagaagii hore ay amaah kaga soo qaateen Espanyol. (Athletic)
Liverpool waxa ay qorshaynaysaa in ay la saxeexato khad dhexe oo kubbad-burburiye ah oo ka garab ciyaara amaba ay isbeddelaan Wataru Endo oo 31 jir ah. (Football Insider)
Borussia Dortmund ma haysato fursad fiican oo ay si rasmi ah ugu iibsan karto difaaca Chelsea ee Ian Maatsen ee 22 jirka ah ee ay xilli-ciyaareedkii tegay amaahda ku haysteen. 22 jirkan ayaase qandaraaskiisa Blues lagu burburin karayaa lacag dhan £35 milyan oo Gini. (Mail)
Garabka weerarka England ee Jadon Sancho oo 24 jir ah, ayaa ku riixaya Borussia Dortmund inay si rasmi ah ugala wareegaan Manchester United xagaagan. (Star)