Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa samaysay qalad ay muddo dheer qoomamayn doonto, kaddib markii ay dayaceen fursad dahabi ahayd oo ay kula saxeexan karayeen xiddiga reer France ee Kylian Mbappé oo kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid ay Isniintii la saxeexatay heshiis shan sannadood ah.
Barcelona ayaa waxa loosoo bandhigay in ay la saxeexato Kylian Mbappé, balse maamulka kooxda ayaa go’aansaday inay u leexdaan ciyaartoy kale oo ahaa Ousmane Dembele oo ay ku iibsadeen isla lacagtii ay ku heli lahaayeen Kylian Mbappe.
Raul Varela iyo Josep Maria Minguella oo ah wakiillo ciyaartoy waaweyn oo reer Yurub ah ayaa bannaanka keenay qaladka ay samaysay Barcelona.
Josep Maria Minguella oo mar wakiil usoo noqday Kylian Mbappé ayaa qisadan faahfaahiyey, waxaanu yidhi: “Wiilkayga (Kylian Mbappé) waxa uu joogay France, waxaanu ii sheegay in Monaco ay doonayso inay iibiso. Waxa aan si shaqsi ah ula hadlay waalidkii, waxa markaas uu Mbappe ahaa 18 jir. Barcelona ayaa waxa iyagana waqtigaas ka tegay Neymar.
“Waalidka Mbappe waxa ay ii sheegeen in ay ku farxi lahaayeen haddii uu wiilkoodu tago Barca, aniguna waxa aan la hadlay Barcelona oo aan u bandhigay, laakiin waxa ay markaas wada-hadallo kula jireen Ousmane Dembele iyo Borussia Dortmund. Waxa ay ku adkaysteen inay Dembele doorbidayaan.”