Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa adkaysan kari waayey markii uu soo gaadhay warka heshiiska ay Real Madrid la gaadhay xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo xalay fiidkii si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu yahay ciyaartoy Real Madrid ah.
Kylian Mbappe ayaa soo gunaanaday toddoba sannadood oo uu u ciyaarayay PSG oo sannadkii 2017 kagala soo wareegtay AS Monaco lacag gaadhaysay 180 milyan oo Euro, balse waxa uu hadda si xor ah ugu wareegay Real Madrid.
25 jirkan ayaa saxeexay heshiis shan sannadood ah oo uu kaga mid noqonayo kooxda reer Spain ee Sabtidii ku guuleysatay koobka Champions League, waxaana uu xidhan doonaa No.9 xilli-ciyaareedkiisa koowaad, sidii uu sameeyey Cristiano Ronaldo sannadkii 2009 markii ay Los Blancos kala soo wareegtay Manchester United, balse sannad kaddib ayaa uu sidii Ronaldo oo kale iska beddeli doonaa, waxaana uu dhaxli doonaa No.10 oo uu ka beddelayo Luka Modric, halka Ronaldo uu isaguna sannadkii 2010 ka dhaxlay No.7 halyeygii Real Madrid ee Raul Gonzalez.
Cristiano Ronaldo oo ah ciyaartoyga ugu goolasha badan taariikhda Real Madrid oo sagaal sannadood oo uu u ciyaaray u dhaliyey 450 gool, ayaa markii uu soo gaadhay warka heshiiska Mbappe ee Real Madrid waxa uu u degdegay bartiisa bulshada ee Instagram oo uu soo dhigay qoraal uu ku yidhi: “Indhayga waxa ka muuqata farxad. Waxa aan ku faraxsanahay in aad shidi doonto Bernabeu. #HalaMadrid”