Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa shaacisay. in 19 ciyaartoy oo ay ku jiraan xiddigo waaweyn ay ka tegayaan xagaagan, kuwaas oo dhamaantood si xor ah kaga baxaya Emirates Stadium.
War-saxaafadeed ay goordhoweyd soo saartay Arsenal ayaa lagu sheegay, in 19 ka mid ah ciyaartoydeeda ay si bilaash ah ku tegayaan bishan June, waxaana ka mid ah xiddiga khadka dhexe ee reer Masar ee Mohamed Elneney iyo difaaca reer Portugal ee Cedric Soares.
Elneny oo ay da’diisu tahay 31 jir oo muddo siddeed sannadood ah u ciyaarayay Arsenal ayaa soo afjaraya waayihiisii Emirates Stadium iyadoo diiwaanka kooxda ay ugu jiraan 161 kulan oo uu u saftay, isla markaana ka mid ahaa xiddigihii koobka FA Cup kula guuleystay Gunners sannadkii 2017.
Xilli-ciyaareedkii hadda dhamaaday ayuu kaliya u saftay kooxdaas lix kulan oo dhamaan tartamada ah, inta kalena waxa uu u jiifay dhaawacyo ragaadiyey halka waqtiyada qaarkoodna laga doorbiday ciyartooyo kale.
Cedric Soares oo ay da’diisu tahay 32 jir, kana ciyaara difaaca midig oo afar sannadood oo uu joogay Arsenal u saftay lix kulan oo kaliya isla markaana amaaho kala duwan ay Gunners ku dirtay ayaa sidoo kale si bilaash ah ku baxaya.
Waxa kale oo liiska ku jira xiddigaha da’da yar ee sida aadka ah loo qiimeeyo ee Arthur Okonkwo, Omari Benjamin iyo Tyreece John-Jules havoo dhamaantood ay kooxdu siin weyday qandaraas cusub.
James Hillson, Luis Brown, Mauro Bandeira, Kido Taylor-Hart, Ovie Ejeheri, Taylor Foran, Catalin Cirjan, Hubert Graczyk, Henry Jeffcott, Alex Kirk, James Lannin-Sweet, Henry Davies, Noah Cooper iyo Kamarni Ryan ayaa iyagana lagu daray liiska bixitaanka.
Arsenal ayaa sidoo kale la xaajoonaysa Amario Cozier-Duberry oo loo arkayey inuu yahay ciyaartoyga mustaqbalka Arsenal u beddelaya Bukayo Saka iyo Karl Hein Reuell Walters ayaa iyagana ay Gunners la xaajoonaysaa, balse wali heshiis lama aanay meel-dhigin.
Dhinaca kale, Arsenal waxa ay dhawr ciyaartoy ka fasaxday kooxda haweenka, waxaana ka mid ah Vivianne Miedema oo ah 27 jir 124 gool u dhalisay 166 ciyaarood oo kaliya oo ay dheeshay. Waxa ay iska diidday inay u saxeexdo heshiis cusub. Sidoo kale, Sabrina D’Angelo iyo Kaylan Marckese ayaa iyaguna ka tegaya Arsenal.