Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa lagu soo warramayaa in ay uga hormarayso Arsenal iyo Manchester City xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Newcastle United iyo xulka Brazil ee Bruno Guimaraes oo tababare Arne Slot uu dalbadaday in loo keeno.
Wariyaha ciyaaraha ee Rudy Galetti ayaa sheegay, in Manchester City ay hore u hoggaaminaysay tartanka loogu jiro Bruno Guimaraes, balse ay sidoo kale Arsenal doonaysay inay isku xoojiso oo ay ka garab ciyaarsiiso Declan Rice.
Laakiin Liverpool ayaa hadda si xooggan usoo gashay tartanka laacibkan oo diyaar u ah inay bixiso lacagta lagu burburin karayo qandaraaskiisa Newcastle United oo la rumaysan yahay in uu isaguna doonayo inuu iskaga tago.
Galetti ayaa waxa uu sidoo kale xaqiijiyey, in qandaraaska Bruno Guimaraes ee Newcastle in lagu burburin karayo lacag dhan €115 milyan oo Gini oo kooxda bixisa ay kaliya u baahan tahay inay ciyaartoygan la meel-dhigto heshiiska shaqsiga ah sida mushaharkiisa.
Kooxda reer France ee PSG ayaa sidoo kale ku jirta tarrtanka Bruno Guimaraes, waxaana hadda inay dhinac uga sii leexanayso u muuqanaysa Arsenal oo lala xidhiidhinayo Amadou Onana oo khadka dhexe uga ciyaara Everton oo ku jirta xaalad qasan oo hubanti la’aan ah kaddib markii shirkadda 777 Partners ay ka laabatay iibkii naadigan.