Micah Richards ayaa saadaal waqti hore ah ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee xilli-ciyaareedka dambe ee 2024/25, iyadoo ay wali kooxda ugu xooggan tahay Manchester Ciity oo afartii sannadood ee ugu dambeeyey si xidhiidh ah ugu guuleysatay.
Horyaalka Premier League ayaa la filayaa in uu noqdo mid si weyn loogu xafiiltamo xilli-ciyaareedka soo socda, iyadoo ay si weyn isku diyaarin doonto Arsenal oo labadii xilli-ciyaareed ee u dambeeyey gashay kaalinta labaad, Liverpool oo samaysay isbeddel tababare, Chelsea oo ciyaartoydeedii cusbaa ay isla qabsadeen iyo xataa Manchester United oo uu maamulkeedu isbeddelay isla markaana la filayo in dibu-dhis lagu sameeyo.
Micah Richards oo laga waraysanayey barnaamijka ‘The Rest Is Football Podcast’ ayaa waxa la weydiiyey kooxda ku guuleysanaysa horyaalka waddanka Ingiriiska ee xilli-ciyaareedka dambe, waxaanu ku jawaabay: “Waxay ila tahay, in Arsenal ay ku guuleysan doonto xilli-ciyaareedka dambe.”
Aragtidan waxa ku raacay halyeygii reer England ee Alan Shearer, balse guusha Gunners ku xidhay shuruud dhinaca suuqa iyo saxeexyada ay kooxdu samayso ah, gaar ahaan weerarka, difaaca iyo khadka dhexe, waxaanu ku dooday in haddii aanay ciyaartooyo cusub la saxeexanin in aanay guuleysan doonin.
Chelsea Ay’s qadeysa