Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo 24 jirka daafaca dhexe uga ciyaara kooxda Chelsea Trevoh Chalobah. (Independent)
Weeraryahanka Liverpool ee Colombia Luis Diaz iyo daafaca Ingariiska Joe Gomez, oo labaduba 27 jir ah, ayaa bartilmaameed u ah kooxaha Saudi Pro League iyagoo doonaya inay soo jiitaan ciyaartoy da’yar ah xagaagan. (Daily Mail)
Tottenham ayaa ka fiirsan doonta dalabyada laga soo gudbiyay weeraryahankeeda Richarlison iyo 25 jirka daafaca midig Emerson Royal oo labaduba reer Brazil ah. (Standard)
Weeraryahanka RB Leipzig iyo Slovenia Benjamin Sesko, oo 20 jir ah, ayaa jecel inuu u dhaqaaqo Arsenal xagaagan. (Mirror)
Arsenal ayaa diyaar u ah inay horay u sii wado xiisaha ay u qabto Sesko oo qandaraaskiisa lagu burburin karo 55 milyan ginni (HITC)
Everton ayaa u sheegtay Manchester United inay iska iloobaan isku dayga inay qiimo jaban kula wareegaan daafaca England Jarrad Branthwaite. Everton ayaa ku dooneysa 21 jirkaan labada jibaarka lacagta ay Man United oo ku soo dalabtay oo gaareysa 40 milyan ginni. (Mirror)
Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay qandaraaska u kordhiso weeraryahanka Ingariiska Mason Greenwood si lacag fiican loogu iibsado. Juventus, Napoli, Atletico Madrid iyo Borussia Dortmund ayaa doonaya 22 jirkaan. (i Sport)
Atletico Madrid ayaa u muuqata kooxda ugu cadcad saxiixa Greenwood. (HITC)
West Ham ayaa wadahadalo kula jirta Palmeiras si ay u hesho 18 jirka khadka dhexe ee Brazil Luis Guilherme. (Fabrizio Romano)
Arsenal ayaa isku diyaarinaysa inay gasho tartanka loogu jiro saxiixa daafaca bidix ee reer Holland Quilindschy Hartman, oo 22 jir ah, kana tirsan kooxda Feyenoord. (Telegraph)
Monaco ayaa kaga horeysa kooxaha Watford ama AC Milan tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Chelsea iyo Albania Armando Broja. (L’Equipe)
Crystal Palace ayaa wadahadalo kula jirta Sunderland oo ku aadan saxiixa 18 jirka reer England ee Jobe Bellingham, kaasoo sidoo kale ka ciyaari kara khadka dhexe. (Standard)
Brentford ayaa sidoo kale xiiseyneysa Bellingham. (The Athletic)
Everton ayaa diiwaan gelisay xiisaha ay u qabto inay dib ula soo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ingariiska Ross Barkley, oo 30 jir ah, kana tirsan Luton Town, laakiin waxay qarka u saaran tahay inay lumiso Aston Villa. (Football Insider)
Manchester United ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta 18 jirka khadka dhexe ee Ingariiska Kobbie Mainoo si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda. (Football Insider)