Benjamin Sesko ayaa ogolaaday inuu u wareego kooxda Arsenal xagaagan sida ay sheegayaan wararka.
Weeraryahanka RB Leipzig ayaa sidoo kale xiiso ka helayay kooxaha Manchester United iyo Chelsea.
Laakiin Gunners ayaa haatan ugu cadcad inay la wareegto xiddiga 20 sanno jirka reer Slovenia kaasoo qandaraaskiisa lagu burburin karo 56 milyan ginni inkastoo ay Arsenal raadineyso inay ku iibsato qiimo intaas ka yar.
Mikel Arteta ayaa doonaya inuu xoojiyo kooxdiisa xagaagan, wuxuuna u arkaa in Sesko uu ku haboon yahay qaab ciyaareedka Guners.
Arteta ayaa doonaya inuu la soo wareego ciyaaryahan sida Leandro Trossard oo kale ah xagaagan, mana doonayo inuu keeno xiddig magac weyn leh sida Alexander Isak.
Newcastle ayaa si weyn u dooneysa inay ceshato weeraryahanka reer Sweden, waxayan duldhigeen lacag kor u dhaafeysa 100 milyan ginni.
Sesko ayaa loo arkaa inuu tartan la geli doono Kai Havertz iyo Gabriel Jesus, iyadoo Arteta uu sidoo kale raadinayo ciyaaryahan kale oo khadka dhexe ah iyo xiddig keyd u gala Bukayo Saka.
Jesus ayaa u muuqday saxiix weyn markii uu laba sannadood ka hor ka soo wareegay Man City, laakiin xilli ciyaareedkan wuxuu dhaliyay kaliya afar gool oo Premier League ah.
Dhanka kale Sesko ayaa dhaliyay 14 gool islamarkaana caawiye ka noqdo labo gool kale 31 kulan oo Bundesliga ah uu u saftay RB Leipzig.