Halyeyga Manchester United ee Wayne Rooney ayaa shaaciyey, in ciyaartoy ay isku koox ahaayeen uu tababarka dhaawac ugu geystay isla maalintii uu Sir Alex Ferguson ku dhawaaay inuu ka tegayo kooxdaas oo hawlgab ka noqonayo ciyaaraha.
Rooney oo ay da’diisu tahay 38 jir oo sannadkii 2010 sawaxan badan uu ku furmay markii uu diiday inuu heshiis cusub u saxeexo kooxdiisa Manchester United, iyadoo waqtigaa ay soo baxayeen warar sheegaya in uu tegayo Manchester City, ayaa waxa uu sheegay in uu garoonka tababarka dhaawac ugu geystay Paul Scholes oo ay isku koox ahaayeen.
Dhaawaca kusoo gaadhay garoonka tababarka ayaa sababay inuu awoodi waayo inuu ciyaaro kulan ka tirsanaa Champions League oo ay Manchester United la ciyaaraysay Bursaspor, waxaana hadda sharraxaad ka bixiyey sidii ay wax u dhaceen waqtigaas.
Gary Neville ayaa waraysi uu ka qaaday Rooney waxa uu ku weydiiyey dhacdadii waqtigaas, waxaanu ku jawaabay: “Waxa aad doonaysaa in aad guuleysato dhamaan kulamada [tababarka Jimcaha], laakiin taakallada qaarkood ayaa ahaa kuwo xun, Sir Alex waxa u caado ahayd in uu ciyaarta joojiyo oo uu nala hadlo.
“Scholesy ayaa taakal igu qabtay maalintii ka horreysay ciyaarta, waxaanan garoomada ka maqnaa siddeed usbuuc. Waxay ahayd isla maalintii uu tababaruhu qabanayey shirka jaraa’id ee uu sheegay in uu doonayo inuu ka tago kooxda, waxa aan hubaa in ciyaarta ka hor aannaan wada hadal oo aanaan wax kaftan ah is-weydaarsanin.”