Jurgen Klopp oo xalay ka qeyb galay xaflad sagootin ah oo ka dhacday magaalada Liverpool ayaa ka hadlay xaalada kooxaha ay xafiiltamaan Liverpool isagoo weerar aan toos aheyn ku qaaday.
Mar la weydiiyay suurtogalnimada in Man City lagu helo danbiga loo heysto ee 115ka dacwadood iyo in Liverpool lagu abaalmariyo labo horyaal oo Man City laga qaado waxa uu sheegay inuu diyaar u noqonayo inuu u dabaaldego labadaas horyaal oo uu bas ku dhex marsiiyo magaalada Liverpool.
“Haddii bas lagu wareejinayo koobabkaas diyaar ayaan ahay. Inta ay qaadato waxba igama gelin”
Klopp ayaa sidoo kale ka hadlay ceyrintii Chelsea ay ku sameysay tababare Pochettino inkastoo ay jeclaayeen ciyaartoyda Chelsea islamarkaana uu u muuqday mid horumar badan sameynaya.
Klopp ayaa dhaleeceeyay milkiilayaasha Chelsea isagoo yiri:
“Xaqiiqdii waa inaan ku faraxsanaano milkiilayaasheena Fenway Sports Group, ma ahan sida kuwa iibsaday kooxaha London. Hal sanno xitaa kuma badbaadeen Liverpool haddii ay iyaga joogi lahaayeen.
“Ugu danbeyn Chelsea waxay ciyaareysaa kubad uu qof walba aamisan yahay inay soo laabteen, ka dibna waxay ceyriyeen tababaraha.
“Milkiilayaasheena waa kuwa dareemaya mas’uuliyada kooxda. Miyay yihiin kuwa ugu fiican dunida? Ma ogi taas. Laakiin si weyn ayay u shaqeeyeen, waxaana dareemay inay i taageereen.”
Ugu danbeyn waxa uu ka hadlay kooxda ay cadowga yihiin isagoo ka soo horjeestay isaga ay Man United u dhaqantay Jadon Sancho, wuxuuna soo jeediyay inay aheyd inay kooxda ka caawiso Sancho inuu qaab ciyaareedkiisa fiican dib u helo bedelkii ay amaah ku fasixi lahaayeen.
“Haddii dunida oo dhan ay kalsoonida kala laabato ciyaaryahan, waa inuu tababaraha garab istaago ciyaaryahankaas” ayuu yiri.
“Ma ahan waxaa ku raaci karo in la yiraahdo ciyaaryahankaan waa wax matare, sida kooxaha kale ay sameeyeen. Inaad ciyaaryahan 80 milyan ginni ku soo iibsato ka dibna aad amaah ku fasaxdo.”