Tartanka ay kooxaha waaweyn ee Yurub ugu jiraan difaaca reer France ee Leny Yoro ayaa u muuqda in lagu kala calaf-qaaday oo uu soo dhamaaday, iyadoo hadda ay soo baxayso kooxda sida cad ugu gacanta sarraysa ee ay u badan tahay inuu tegayo.
Leny Yoro oo ah 18 jir tayadiisu sarrayso oo u ciyaara Lille, ayaa waxa ku tartamayey kooxo waaweyn sida Real Madrid, PSG, Manchester United iyo xataa Liverpool oo uu hunguri kaga jiray, hase yeeshee waxa hadda laacibkan uu qarka u saaran yahay inuu heshiis u saxeexo kooxda reer Spain ee Real Madrid.
Los Blancos oo toddobaadka dambe la filayo inay ku dhawaaqdo heshiiska Kylian Mbappe oo ay si xor ah ugala soo wareegayaan PSG, sidoo kalena bisha July uu soo gaadhi doono Endrick ayaa waxa ay sidoo kale safkeeda kusoo kordhinaysaa Leny Yoro oo ay dadka yaqaanaa ku tilmaamaan inuu leeyahay qaab-ciyaareedka Raphael Varane.
Sida uu ku warramayo wariyaha ciyaaraha ee Santi Aouna, Real Madrid ayaa diyaarisay dalab ay ka gudbinayso Leny Yoro, waxaana maalmaha soo socda ay Lille gaadhsiin doontaa dalab xambaarsan €30 milyan oo Euro iyo lacago kale oo gunnooyin ah oo ku xidhnaan doona guulaha uu ku gaadho Santiago Bernabeu.
Real Madrid ayaa waxa ay doonaysaa in Yoro uu noqdo beddelka Nacho Fernandez oo la filayo inuu ka tago kooxda marka ay ciyaaraan finalka Champions League ee Sabtida, iyadoo difaacooda dhexe ee Davia Alaba ay ragaadiyeen dhaawacyo labadii sannadood ee ugu dambeeyey oo uu 10kii bilood ee ugu dambeeyey garoomada ka maqnaa.
Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta waddanka Faransiiska ayaa waxa ay sheegaysaa, in PSG ay diyaar la tahay €60 milyan oo Euro oo ay dul-dhigayso Yoro, balse laacibkan oo qandaraaskiisa Lille uu sannad kali ahi ka hadhsan yahay ayaa doorbidaya inuu tago Real Madrid.