Xiddig ka tirsan Manchester United ayaa u sheegay tababare Erik ten Hag in aanu doonayn inuu ciyaaro finalkii FA Cup ee Sabtidii ee ay 2-1 kaga badiyeen Manchester City, taas oo keentay inuu seego ciyaartii ugu muhiimsanayd naadigiisa ee ay koobka ku qaadeen.
Alejandro Garnacho iyo Kobbie Mainoo ayaa noqday libaaxyada Man United ee dhaliyey goolasha, iyadoo Gvardiol uu sameeyey qalad weyn oo uu kubadda weydaariyey goolhayihiisa Stefan Ortega, halka goolka madiga ah ee City uu keenay Jeremy Doku.
Manchester United ayaa waxa ka jira guux badan oo ku saabsan mustaqbalka tababare Erik ten Hag iyo ciyaartoyda qaarkood, kuwaas oo qaarkood ay ka maqnaayeen ciyaartii finalka FA Cup ee Sabtidii.
Xiddiga reer Brazil ee Casemiro oo lagu soo daray liiska ciyaartoyda kooxdiisa ayaa mar dambe laga saaray markii sida uu tababarihiisa u sheegay in aanu doonayn inuu ciyaaro, isaga oo ku andacdooday inuu dareemayo xanuun muruqa ah.
Kubbad-burburiyahan hore ee Real Madrid oo qoraal uu Axaddii soo dhigay bartiisa bulshada ugu ballan-qaaday taageereyaasha Manhester United in xilli-ciyaareedka dambe uu samayn doono bandhig ka sarreeya midkii niyad-jabka ahaa ee labadii xilli-ciyaareed ee uu joogay Old Trafford, ayaa waxa tashuush cusub ku furaya warka sheegaya inuu diiday inuu ciyaaro finalkii FA Cup.
Si kastaba ha ahaatee, 32 jirkan ayaa ku jira waqti adag waxaana toddobaadkii hore laga reebay liiska xulka qaranka dalkiisa Brazil ee ka qayb-gelaya tartanka Copa America.