Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa weerar ku qaadaysa Real Madrid oo ay ka doonayso xiddig laf-dhabar ah oo si weyn ay ugu tiirsan tahay Los Blancos, iyadoo toddobaadkanna ay Real Madrid lumisay Toni Kroos oo ka fadhiistay kubadda cagta.
Bayern Munich oo xilli-ciyaareedkii tegay aan wax koob ah ku guuleysanin ayaa si weyn isku dhisi doonta suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, waxaana ay qorshaheeda ku darsatay khadka dhexe ee Real Madrid iyo xulka qaranka Faransiiska ee Aurelien Tchouameni oo ay ula diyaar yihiin lacag ka badan intii ay markii hore Real Madrid kusoo iibsatay.
Aurelien Tchouameni oo in badan oo xilli-ciyaareedkan ah ka dheelayey difaaca dhexe markii ay Los Blancos ka dhaawacmeen Eder Militao oo siddeed bilood maqnaa, David Alaba oo toban bilood garoomada ka maqan iyo Nacho Fernandez oo isaguna marar kala duwan dhaawacyo u jiifay, isla markaana daafaca dhexe ee kaliya ee Carlo Ancelotti uu haystay uu ahaa
Sida uu qoray wargeyska Fichajes, Bayern Munich ayaa waxa ay ka baqaysaa inuu ka tago xiddigeeda khadka dhexe ee Joshua Kimmich oo uu qandaraaskiisa sannad ka hadhsan yahay, waxaanay doonaysaa inay xagaagan la saxeexato Aurelien Tchouameni.
Warka ayaa intaa ku daray, in inkasta oo aanay macquul ahayn in Real Madrid ay iibiso Aurelien Tchouameni, in haddana ay Bayern Munich dul-dhigayso 100 milyan oo Euro.