Xiddiga West Ham Lucas Paqueta ayaa waxaa dacwad culus ku soo oogtay xiriirka kubada cagta Ingariiska oo la xiriirta khiyaano khamaar uu ku kacay.
Laacibka reer Brazil ayaa lagu eedeeyay inuu kaarar jaale ah u qaatay si ku talogal ah si uu ugu guuleysto lacag khamaar ah taasoo mamnuuc ka ah kubada cagta iyo gabi ahaanba isboortiga oo dhan.
Eedeymaha loo heysto Paqueta ayaa xiriir la leh kulamo Premier League uu u ciyaaray West Ham oo kala ah kulankii ay la ciyaareen Leicester City 12kii November 2022kii, kulankii Aston Villa 12kii March 2023kii, kulankii Leeds United 21kii May 2023kii iyo kulankii Bournemouth 12kii Agoosto 2023kii.
Paqueta waxaa loo heystaa inuu si ku talogal ah u qaatay kaarar jaale ah si isaga iyo asxaabtiisa ay ugu guuleystaan lacag khamaar ah, sida ay sheegtay The Times.
Ciyaaryahanka ayaa si xoogan u beeniyay eedeymaha loo heysto.
Sida uu sheegay Martyn Ziegler oo u shaqeeya The Times, haddii lagu helo mid ka mid ah afarta danbi ee loo heysto waxay ciqaabteeda noqon doontaa inta u dhaxeysa ganaax lix bilood iyo mid abid ah.
Waxa uu heystaa ilaa iyo 3da bisha Juun inuu kaga jawaabo afarta dacwadood ee loo heysto, wuxuu sidoo kale codsan karaa in waqtiga loo dheereeyo si uu jawaab waafi ah uga bixiyo dacwadaha.
Isagoo ka hadlayay dacwadaha lagu soo oogay, Paqueta ayaa yiri: “Aad ayaan u la yaabay islamarkaana uga carooday in FA-ga ay dacwado igu soo oogaan.
“Muddo sagaal bilood ah waxaan kala shaqeynayay baaritaankooda, waxaana u gudbiyay xog walba oo ay u baahnaayeen.
“Waan beeninayaa dacwadaha la igu soo oogay gabigoodba, waxaana u dagaalami doonaa inaan magaceyga nadiifiyo inta aan neefsanayo.
“Madaama ay arintaan tahay mid weli socota, faahfaahin dheeri ah kama bixinayo.”