Koox weyn oo horyaalka Premier League ah ayaa ku dhawaaqday tababaraheeda cusub ee hoggaamin doona xilli-ciyaareedka dambe, iyadoo wali naadiyada qaarkood ay mashquul ku yihiin sidii ay ku heli lahaayeen macallimiin guulo gaadhsiin karta.
Chelsea ayaa tababaraheedii Mauricio Pochettino shaqada ka eriday Salaasadii, sidoo kalena Liverpool ayuu ka tegay Jurgen Klopp oo mar horeba sii dooratay Arne Slott halka la filayo in Man United ay sidoo kale erido Erik ten Hag.
Waxa kale oo tababare la’aan ahayd kooxda reer London ee West Ham oo toddobaadkii hore shaqada ka eriday macallinkeedii David Moyes kaddib xilli-ciyaareed ay hooseeyeen.
Tababarihii hore ee Real Madrid, xulka qaranka Spain iyo Wolves ee Julen Lopetegui ayaa hadda lagu dhawaaqay in loo magacaabay kooxda kubadda cagta West Ham oo uu hoggaamin doono xilli-ciyaareedka dambe, iyadoo saxaafadda loosoo bandhigay isaga oo heshiis saxeexaya.
Warbaahinta ayuu la hadlay Julen Lopetegui waxaana uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu qayb ka noqdo kooxdan weyn ee reer London, waa sida uu hadal-ka u dhigaye, isla markaana uu isku dayi doono inuu ku yeesho raad isla markaana xilli-ciyaareedkooda dambe noqdo mid cajiib ah.
57 jirkan ayaa horraantii bishan ogolaaday inuu noqdo tababaraha West Ham oo kaalinta sagaalaad kaga dhamaysatay horyaalka Premier League, sidoo kalena semi-finalka kaga hadhay tartanka UEFA Conference League.
Julen Lopetegui waxa uu leeyahay khibrad tababarenimo oo uu kaga soo shaqeeyey waddankiisa Spain iyo England intaba, isaga oo sannadkii 2020 u qaaday Sevilla tartanka Europa League oo ay finalkii 3-2 ku garaaceen Inter Milan.